Kooxaha Ugu Fiicnaa 2013 Oo La Soo Saaray Iyo Bayern Munich Oo Hogaamineysa.

Kooxaha Ugu Fiicnaa 2013 Oo La Soo Saaray Iyo Bayern Munich Oo Hogaamineysa.

daajis.com:-Xiriirka caalamiga iyo taariikhda kubada cagta iyo istaatistikada oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano IFFHS ayaa shaaciyay maanta kooxihii ugu fiicnaa ee 2013 iyadoo shanta kooxood ee ugu sareysa ay seddex ka mid ah yihiin kooxo Isbaanish ah.

Xiriirkaan ayaa maanta baahiyay natiijadooda kooxaha ugu fiicnaa adduunka sannadkii dhamaaday ee 2013, waxaana u sareysa kooxda Bayern Munich oo wacdarro dhigtay sannadkii inaga dhamaaday.
Real Madrid ayaa kaalinta labaad ku jirta, halka Chelsea ay seddexaad ku jirto, Atletico Madrid ayaa afaraad ku jirta, waxaana ku xigta Barcelona.
1. Bayern Munich (Germany ) 370
2. Real Madrid ( Spain ) 290
3. Chelsea (England ) 273
4. Atletico Madrid ( Spain ) 251
5. Barcelona ( Spain ) 247
6. Paris Saint- Germain (France ) 240
7. 1893 Basel ( Switzerland ) 239
8. Atletico Mineiro ( Brazil ) 238
+ . Tottenham Hotspur (England ) 238
10. Benfica (Portugal ) 232

Sida lagu qoray website-ka IFFHS: “Qiimeynta waxaa lagu sameeyay natiijooyinkii 12kii bilood ee u danbeysay ee kulan walba oo qaaradeed ama aduun, horyaalada iyo koobabka maxaliga oo dhibacooda laga saaray wixii ka horeeyay wareega 16ka.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada