Liiska golaha Wasiirada cusub iyo Damu Jadiid oo ka buuxa

Liiska golaha Wasiirada cusub iyo Damu Jadiid oo ka buuxa

daajis.com:-Beelweynta Hawiye ayaa la siiyay Wasaaradaha arrimaha gudaha,Warfaafinta,Waxbarashada ,Kaluumeeysiga iyo hoowlaha guud.

Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Warfaafinta oo laga jaray Amniga Qaranka iyo Boostada Isgaarsiinta waxaa la siiyay beesha Habargidir ,iyadoo loo magacaabi doono Wasiirka xilligaan ee kaadiriinta Damu Jadiid ka mida Abdikariim Dhegajuun iyo Yusuf Garaad sida ay ila wareedyo muhiima ay sheegayaan.

Yusuf Geydh oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Isaaq Ciidagale,beesha Gashanburta loo yaqaan wuxuu shalay {Isniintii} ka tegay Magaalada Hargeysa,waana Injineer ku taqasusay qodida Ceelasha.

Wasiiru doowlaha hoowlaha guud ayaa loo qoondeeyay beesha Gugundhabe waxaana loo magacaabayaa gabadh lagu magacaabo Nadiif .

Wasaaradda Kaluumeeysiga ayaa la siiyay beesha Xawaadle,waxaana loo magacaabayaa nin la dhashay Madaxweyne Garguurte oo hore u hayay xilka.inkastoo beesha Xawaadle dalbatay in saamigooda Wasiirnimo loo magacaabo Goodax.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa loo qoondeeyay in la siiyo beesha Habargidir hasse yeeshee waxaa ka taagan buuq ka dhashay saami qeybsiga.

Madaxweyne Garguurte ayaa qoondeeyay in Wasaaradda Warfaafinta la siiyo Habargidir maadama ay diideen inay qaataan Wasaarada arrimaha gudaha oo laga jaray amniga Qaranka.

Wasaaradda Warfaafinta lafteeda waxaa laga jaray boostada iyo Isgaarsiinta waxaana laga yaabaa in loo magacaabo Yusuf Garaad Omar oo ah xeeldheere Saxaafadeed.


Beesha Hawiye waxay sidoo kale heli doonaan laba Wasiir ku xigeen .iyadoo Wasiir ku xigeen uu quud dareeynayay Kamaal Dahir la siiyay Abdirahman Odowaa oo ka mida Damu Jadiid.

Beesha Hawiye oo la tilmaamo inay tahay beesha ugu tirada badan beelaha Soomaaliyeed ma helin saami ku filan ,waxaana u sababa Madaxweynaha Somalia oo ka dhashay.

Wasaaradda Gaashaandhiga waxaa la siiyay beesha Shanaad halka Wasaaradda Amnigana la siiyay Taliyahii hore ee Nabadsugida Mohamed Sheekh oo ka socda Shariif Sakiin.

Wasaaradda Maaliyada iyo Ra'isulwasaare ku xigeen ayaa la siiyay Xuseen Cabdi Xalane oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Ogaadeen,Daarood halka Wasaaradda Hoowlaha guudna ay isku hayaan laba nin oo dhalasho ahaan ku wada abtirsada Dhulbahante laguna kala magacaabo Mahdi iyo Daud Bisle.

Dhulbahantahu waxay rabaan in xilkaas la siiyo Mahdi maadama uu yahay siyaasi aaminsan qadiyada Khaatuma.

Dhamaan Wasiiradii Damu Jadiid ayaa ka mid noqonaya golaha cusub ee Wasiirada iyadoo qaarkood ahaa Wasiiro ku xigeeno iyo Wasiiro dowlayaal loo dalacsiiyay Wasiir buuxa.


Beesha Shanaad ayaa saamigeey lahaayeen laga reebay hal Wasiir,waxaana Wasaaradaas la siiyay beesha Majeerteen oo afar Wasiir ku yeelan doonta xukumadda cusub.

Xoosh Jabriil oo la filayay inuu ka mid noqdo golaha Wasiirada cusub ayaa lagu waramayaa in Farah Topaz ku xila furay inaan Xoosh la siin xil,waxaana booskiisa lagu bedelay Xildhibaan lagu magacaabo Xayir.

Haweeneeydii aheyd Wasiiradda Arrimaha dibadda Fawziya Haji Adam ayaa ku qaday golaha Wasiirada cusub,waxayna xiratay afka maadama ay garwaaqsatay in lagu helay musuqmaasuq iyo qabyaalad baahay.

Fawziya waxay raajicineysaa Safiir hasse yeeshee waa suurtagal inay ku hungoowdo xitaa safarnimada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada