Magacyada Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo la sheegay in Dhawaan Duqeymo lagu dilay oo la Shaaciyay

Magacyada Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo la sheegay in Dhawaan Duqeymo lagu dilay oo la Shaaciyay

daajis.com:-Sida lagu qorey wargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya,dowlada Kenya ayaa shaacisay magacyada saraakil ajaanib ah oo qeyb ka ah 57-xubno qeyb ka ahaa dagalamayaal Al-shabab oo lagu dilay duqeen ay ciidamada Kenya ka fuliyeen gobolka Gedo Khamiisti tagtay.

Saraakil dhanka sirdoonka qaabilsan oo ku sugan Somalia ayaa shaaciyey magacyada saraakisha ajaanibta ah ee dhaq dhaqaaqa Al-shabaab looga dilay duqeenta waxana lagu kala sheegay.

Imran Abu Jilali oo Al-shabab uga yimid dalka Pakistan, Shabdalla Al Manzur oo kasoo jeeda dalka Egypt, Alakim Nurala oo ka yimid dalka Sudan, Abdul Hakim Mohamud hogaamiyaha Al-qaeda dalka Yemen Shukri Bin Khalifa oo isagana Al-shabab uga yimid dalka Yemen waxana lagu dilay duqeentii ka dhacday Degaanka Birta Dheer ee magaalada Garbaahaarey ee gobolka Gedo duqeenta ayaa waxa fuliyey diyarad ay leeyihin ciidamada Kenye ee F-5.


Saraakisha sirdoonka ayaa sheegay in Al Amud Bin Ibrahim oo ah qof si aad ah uga agdhawaa hogaamiyaha Al-shabab Axmed Godane lagana qaaday xilkii taliyihi ugu sareeyey Al-shabab ee Gedo iyo sarkaalkii isaga lagu badali lahaa oo lagu magacaabo Fara Dheere, lagu dilay duqeenta 30-daqiiqa kadib markii uu meesha isaga tagay hogaamiyaha Al-shabaab oo ay diyaradaha Kenya ay beegsanayeen.


Duqeenta ka dhacday Garbaaherey ayaa waxa uu hadafka ahaa hogaamiyaha Xarakada Al-shabab oo ka qeyb galaayey kulan isbadal loogu samenayay saraakisha Xarakada, Gamadhere Mohammed oo Kenyan ah ayaa u geeriyooday dhawac kasoo gaaray duqeenta waxana uu ahaa sarkaalka Al-shabab ugu qaabilsana abaabulka weerarada laga geesto dalka Kenya.

Duqeentaasi oo dhacday Khamisti tagtay ayaa timid kadib markii ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ay heleen maclumaadka ku aadan in Garbaaharey ku shirayeen saraakisha ugu sareysa Xarakada Al-shabab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada