WARBIXIN XASAASI AH:- Wasiirada Xalay Lagu Dhawaqay Imisaa Damu Jadiid ah ?

WARBIXIN XASAASI AH:- Wasiirada Xalay Lagu Dhawaqay Imisaa Damu Jadiid ah ?

daajis.com:-Xalay saqdii dhexe waxaa la magacaabay wasiiro ka badan kuwii uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid marka loo eego tirada hayeeshee dadka ku xeel-dheer siyaasadda ay sheegayaan inay tayo wanaagsanaan doonin.
 Xildhibaanno badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay wasiirradani la magacaabay.
Sido kale waxa ay sheegeen mudanayaashani inay go’aankooda ku adkeysananayaan oo uu yahay mid sharci ah.
Hadaba golaha wasiirrada ee lagu dhawaaqay ayaa labo xubnood oo kaliya ay ugu jirtaa Damu Jadiid sida C/kariin Xuseen Guuleed iyo Faarax Sheekh C/qaadir.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in ay jiraan Wasiirro kale Damu Jadiid ah laakiin aan loo lahayn aqoon fiican.
Wasiirradaasi waxaa ka mid ah kuwa u dhashay beelaha Daarood, Hawiye iyo Digil iyo Mirifle.
Nadiifo oo loo magacaabay wasaaradda howlaha guud iyo guryaynta ayaa kamid ah Damu Jadiidka cusub ee dadka iyo warbaahintu aanay ka war heyn.
Baaritaan ay sameysay Wakaaladda Warqaad ayay ku ogaatay in Wasiirad Nadiifo maalmihii dambe ay waday olole ballaaran oo ay beesheeda ugu dacwoonaysay madaxweynaha si ay ku helaan xilkani oo la rabay in loo magacaabo nin kale oo Damu Jadiid ah.
Wasiirrada Damu Jadiid ee ugu cad-cad waxaa kamid ah Ex- Xildhibaan Mahad Salaad oo isagu kamid ah ururkaasi kana tirsan raga firfircoon.
Mahad Salaad ayaa soo noqday agaasime Idaacad Damu Jadiidka uu ka furtay Xamar taasoo dhaqaalo yari hawada uga baxday kadib markii ay bixin weysay magta farsamayaqaanno ka soo dhacay Siinka Idaacadda xili ay howlo farsamo ka hayeen.
Mahadsalaad waa ninkii la dooday Allaha u naxariistee xildhibaan Maxamed Warsame Faysal oo aaqirkii lagu dhex qarxiyay aqalka madaxtooyada.
Xildhibaannada dowladda qaar ayaa ka baqa xildhibaannada iyo wasiirrada Damu Jadiid ka tirsan oo ay uga cabsadaan naftooda in ay khaarajiyaan haddii ay la doodaan.
Wadarta guud ee Damu Jadiid Wasiirrada ay ku leeyihiin xukuumadda waa 10 haddii aanay ka badan.
Ugu danbeeyntii waxaa jira marka laga soo tago kuwa Damu Jadiidka ah kuwa kale oo ku gowracan rag Damu Jadiid ah oo xilalka dowladda sidaa ku hela xiligani.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada