Didier Drogba: - Anigoo Indho Xiran Ayaan Gool Ku Dhalin Karaa Stamford Bridge

Didier Drogba: - Anigoo Indho Xiran Ayaan Gool Ku Dhalin Karaa Stamford Bridge

daajis.com:-Didier Drogba ayaa digniin u soo saaray Chelsea ka hor kulanka Champions League ee ay wajahayaan Galatasaray, isagoo yiri: “Waxaan gool ku dhalin karaa Stamford Bridge xitaa anigoo indhaheyga xiran yihiin.”

Xiddiga reer Ivory Coast ayaa dhaliyay 157 gool mudadii sideeda sanno ee uu joogay galbeedka London taasoo ay ku jirtay guushii Champions League.
Haatan Drogba ayaa isku diyaarinaya inuu wajaho kooxdiisa hore oo ay isku arkayaan wareega 16ka iyadoo lugta hore ay 26ka Febraayo ka dhaceyso Istanbul, halka uu hubo inuu soo dhaweyn balaaran ka heli doono Stamford Bridge seddex isbuuc ka dib kulanka lagu go’aansanayo garoonka.
Waxaana weeraryahanka 35 jirka ah uu yiri: “Stamford Bridge waa gurigeyga. Waxaan gool ku dhalin karaa xitaa anigoo indhaha xiran.
“Waxaan kooxda ka tagay anigoo meel sarre jooga, waxaana qabaa in jamaahiirta ay jeclaadeen wixii aan sameeyay.
“Waxaan xaqiiqdii ku riyaaqay waqtigeygii halkaas, waan jeclaa welina waan jeclahay.
“Laakiin haatan waxaan ahay ciyaaryahan Galatasaray, wax walba ayaana u hurayaa kooxdaan.”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada