daajis.com:-Telefishinka Universal oo ka mid ah warbaahinta afka Soomaaliga wax ku tabiya ahna tvgi ugu horeeyey oo madaxbanaan afka soomaaligana ku hadla ee laga daawado Arabsit-ka ayaa haatan waxaa si is daba joog ah uga kala yaacaya wariyayaashii ugu muhiimsanaa.
Bishii ugu dambeysay sanadka 2013-ka ee Diseembar ayaa Cabdisalaan Hareri iyo Axmed Xasan Cawke ay ka tageen telefishinkan iyagoo dhowaan ka soo muuqday tv-ga kale ee Horncable kaasoo tartan kula jira Universal.
Sidaan oo kale waxaa isla sanadkii aan soo dhaafnay tv-gan uga tagay Aamino Muuse Weheliye, Ridwaan Xaaji Cabdiweli, Nimca degan iyo Cabdulqaadir Nadaara, waxaana dad badan is weydiinayaan oo marka laga reebo Ridwaan intooda kale ka soo muuqdeen telefishino.
Wariye ka mid ah shaqaalaha haatan ku haray tvgan ayaa isaga oo aan jecleyn inaan magaciisa xusno waxa uu sheegay sidan ” Ixtiraam daro ayey kala kulmaan shaqaaluhu madaxa tv-ga, iyagoo qaarkood ay shaqaalahan yihiin kuwo magac iyo maamuus ku leh saxaafada mudana ku soo dhex jiray, waxa kale oo uu fara gelin badan ku hayaa qaabka iyo nidaamka soo saarista wararka iyo barnaamijyada, waxaana uu u adeegsado siyaasado iyo qaabab uu isagu is leeyahay caan ayaad ku noqoneysaa, tusaale ahaan hees iyo barnaamij walba oo la duubo wuxuu doonayaa in magaciisa lagu xuso oo loogu mahad celiyo, waxaana uu ka soo muuqdaa oo uu soo fariistaa goob walba oo tv-gu barnaamij ku qabanayo, isagoo jecel in dadka hortooda uu amar ku siiyo wariyayaasha”.
Wariyahan ayaa sii hadlay oo xaalada Universal waxa uu barbar dhigay tan Horncable, waxaana uu yiri isagoo sii hadlaya ” Horncable intaad fiirsaneysid weligaa kama maqleysid magaca ninka iska leh, wariyayaashuna waxay u shaqeeyaan si kalsooni leh, laakiin Universal habeen aan magaca ninka iska leh lagu xusin ma jiro, wariyayaashuna howsha si kalsooni leh uma hayaan”.
Ugu dambeyn Universal oo laga dareemayo boosaskii ay baneeyeen shaqaalahaas ka tagay ayaa xusul duub ugu jira sidii uu buuxin lahaa, waxaana taas iyaga oo ka jawaabaya ay keensadeen Maxamed Xasan Cali (Weji ) oo ah wariye rug cadaa ah oo radio Muqdisho ka soo shaqeeyey xiligii dowladii Maxamed Siyaad Bare.
_____________________Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 14:18 and have
, Published at