Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashadii madaxweynimo ee ka dhacday Puntland

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashadii madaxweynimo ee ka dhacday Puntland

daajis.com:-Ergayga gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somalia, Danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas oo ku guuleystay doorashadii ka dhacday Puntland. 

sidoo kalena wuxuu hambalyo taas la mid ah u diray madaxweyne ku xigeenka la doortay, C/xakiin C/llaahi X. Cumar (Camey).

“Doorashadu waxay u dhacday si xor ah, cadaalad ah isla markaana cad. Waxaan madaxweynaha cusub ee la doortay ugu baaqayaa inuu howsha ka sii wado halkeedii uu horumar u horseedo shacabka Puntland,” ayuu ku yiri qoraal uu danjire Anaadiif soo saaray caawa.

Wakiilku wuxuu sheegay in doorashadan ay caddeyn u tahay in Somali ay ku socoto dhabbihii dimuqraadiyadda, isagoo xusay in doorashadan ay tahay mid mudan in wax laga barto, wuxuuna sheegay in doorshadu ay tahay mid Puntland u horseedaysa horumar iyo barwaaqo.
 
Sidoo kale, dajiruhu wuxuu sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay in gacan ay ka siiso hoggaanka cusub ee Puntland sidii ay u gudan lahaayeen xilka loo doortay, isagoo madaxda cusub ka dalbaday inay qayb ka qaataan sidii lagu hirgelin lahaa nidaamka federaalka Soomaaliya.
 
Ergaygu wuxuu sheegay u mahadceliyay madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole oo uu sheegay inuu howlo badan qabtay intii uu xilka hayay
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada