War Deg Deg Ah:- Al-Shabaab oo Goordhaw soo saartay Bayaan Dalka Soomaaliya looga Joojinayo Adeega Mobile Internet-ka"Aqriso"

War Deg Deg Ah:- Al-Shabaab oo Goordhaw soo saartay Bayaan Dalka Soomaaliya looga Joojinayo Adeega Mobile Internet-ka"Aqriso"

daajis.com:-Xarakada Al-Shabaab ayaa goordhow soo saartay Bayaan lagu joojinayo gebi ahaanba Adeegyada Mobile Internet iyo Fibre OPtic guud ahaan dalka Soomaaliya .

Bayaanka Xarakada Al-Shabaab soo saareen waxa ay ku go’aamiyeen in guud ahaan Dalka Soomaaliya laga joojiyo Adeega Mobile Internet iyo Fibre Optic Dalkan Soomaaliya .

Qodobada kuxusnaa Bayaanka Al-Shabaab waxaa kamid ahaa.

1) In laga joojiyo dhamaan dalka Soomaaliya isticmaalka adeegyada loo yaqaano Mobile Internet iyo Fibre Optic.

2) In dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ah ee ku lugta leh adeegga Mobile internet-ka ama Fibre Optic-ga ay joojiyaan adeeggaas.

3) In shirkad walba oo ku lug leh bixinta adeegyadaas aan kor kusoo xusnay ay heysato muddo dhan 15 maalmood oo kaliya sidii ay u joojin laheyd adeegyada Mobile internet iyo Fibre optic, mudadaas oo ka bilaabaneyso taariikhda bayaankan uu soo baxo.

4) Shirkaddii ama shakhsiyaadkii u hogaansami waaya go’aanada kor ku xusan waxaa loo arki doonaa kuwo cadawga la shaqeynaya, waxaana lala tiigsan doonaa Shareecada Islaamka.


Lama oga sida uu u saameyn doono Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka Soomaaliya oo iyagu keenay Adeegyada Internetka ee Moobeelada laga isticmaalo , waxa uuna amarkan Culus ee Shabaab kasoo baxay saameyn doonaa Shirkadaha Adeegyada Internetka bixiya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada