Rasmi: Chelsea Oo Si Rasmi Ah U Lasoo Wareegtay Nemanja Matic

Rasmi: Chelsea Oo Si Rasmi Ah U Lasoo Wareegtay Nemanja Matic

daajis.com:-Kooxda Chelsea ee dalka ingiriiska ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah ulasoo wareegtay laacibkoodii hore ee Nemanja Matic  kaas oo ay kalasoo wareegtay kooxda Benfica ee dalka Portugal sida lagu shaaciyay webka kooxda Chelsea.

Give Me Sports ayaa maanta shaacisay in kooxda Chelsea ay kula wareegtay laacib kaan 25 milyan oo euro kaas oo janaayo 2011 ay ugasoo qaateen kooxda Benfica daafaca ree Brazil David Luiz, Matic ayaana qayb ka ahaa heshiiskaas iyadoo kooxda Chelsea ay bixisay lacag iyo Matic si ay u helaan David Luiz.
Kooxda Chelsea ayaa ku dhawaaqday in Matic uu qalinka ku duugay heshiis uu kooxda Chelsea kula joogi doono ilaa 2019.
Matic ayaa u sheegay Web-ka rasmiga ah ee kooxda Chelsea” aad ayaan ugu faraxsanahay inaan fursad u helo inaan kusoo laabto mar kale Chelsea, waxaana dareemayaa xaalad aad u wanaagsan, waxaan doonayaa inaan soo ban dhigo wax kastoon awoodo si aan u caawiyo kooxda”.
Dhanka kale tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dib usoo laabashada Nemanja Matic kadib markii uu hor mar badan sameeyay xili ciyaareed yadii u danbeeyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada