Paul Pogba Oo Qorshaynaya Inuu Iska Diido Kulaabashada Man United Si Uu Ugu Biiro PSG

Paul Pogba Oo Qorshaynaya Inuu Iska Diido Kulaabashada Man United Si Uu Ugu Biiro PSG

daajis.com:-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in laacib ka kooxda Juventus Paul Pogba uu qorsheeynaayo inuu iska diido fikrada ah inuu dib ugu laabto kooxda Man United si uu ugu biiro kooxda PSG ee dalka France.

Maalmihii udanbeeyay ayaa la shaaciyay in kooxda Man United ay doonayso inay dib usoo ceshato laacib koodii hore oo 18 bil kahor uga tagay si bilaash ah isagoo ku biiray kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga.
Sida aan kasoo xiganay wargayska Daily Star David Moyes tababaraha kooxda Man United ayaa doonaya inuu laacib kaan ku dalbado 40 milyan oo Ganni, laakiin laacib kaan ayaa la sheegay inuusan doonayn inuu dib ugu laabto garoonka Old Trafford taas badal keedana wuxuu doonayaa inuu u dhaqaaqo kooxda PSG oo doonaysa inay bixiso 50 milyan oo Ganni hadii uu ogolaansho ka helo maamulka kooxda ree talyaani ee Juventus.

Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daraya in kooxda PSG ay diyaar ula tahay laacib kaan 20 jir ka ah mushaar dhan 200 kun oo Ganni isbuucii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.


https://www.facebook.com/pages/Guriga-Arimaha-Bulshada

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada