Shakhsiyaadka sanadka 2013-ka ee kasoo dhex muuqday bulshada "Daljirka muuqda waa kee?"

Shakhsiyaadka sanadka 2013-ka ee kasoo dhex muuqday bulshada "Daljirka muuqda waa kee?"

daajis.com:-Sidii caadada inoo ahaan jirtayba, sanad waliba dhammaad kiisa marka la gaaro, waxeynu soo bandhigi jirnay shakhsiyaadkii waxtarka ahaa ee bulshada ka soo dhex muuqday dantoodana dadaal la taaban karo ku soo kordhiyay, waxaadna ogaataan tani in ay tahay aragtideyda gaarka ah iyo sida ay iigu muuqdaan muwaadiniinta soo socota.

Dabcan waddaniyiinta soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dunida dacalladeeda ku kala nool aad bey fara badan yihiin wax badanna wey qabteen sanadkii tagay, laakinse waxeynu soo qaadan doonnaa shakhsiyaad metalaya inta wanaagga sameysay ee uu wax qabad koodu soo if baxay, sidoo kalena qof kasta oo dalka iyo dadka wax u qabtayow haddii aan magacaaga la xusin ha u qaadan in lagu hilmaamay maankana ku heyso in ay berrito taariikhda ku xusi doonto.
Daljirka muuqda:-
Ra'iisul wasaarihii xukuumaddii dhacday, mudane Cabdi sheekh doon saacid, muddadii sanaadka aheyd ee ay xukuumaddiisu shaqeyneysay wax badan baa u qabsoomay, gaar ahaa dhanka arrimaha dibadda, sidoo kale waxaan ku amaanayaa dulqaadkiisii iyo weliba tanaasulkiisii is qab qabsi la'aanta ahaa ee uu sameeyay markii ay xildhibaannada barlamaanka kalsoonida kala noqdeen iyo sidii qaddarinta laheyd ee uu xilka u wareejiyay, maa daama khilaafaadkii jiray aan dibadda lagu soo xallinin, sidii horay u dhici jirtayba, taasoo aheyd arrin macna leh oo ku dayasho mudan.

Daljirka muuqda:-
Kartoonistaha weyn ee farshaxanka ku caan baxay laguna magacaabo Amiin caamir, wuxuu ku amaanan yahay oo uu isku si u miisaamaa siyaasadaha kala damaca ah iyo tacaddiyada soomaalida dhaxdeeda qalalaasaha ka dhaliya, isaga oo waqti waliba la saan qaada dhacdooyinka is rog rogga leh ee uu siyaasi walba uu markiisa la soo baxo, waana farshaxan sawir gacmeedkiisa ugu hiilliya inta taagta daran codkoodana ku hadla, sidaa awgeed waxaannu leennahay halgan baad ku jirtaaye halkaada ka sii wad, ogowna in ay ugu danbeynta guusha dhinacaada iyo dhanka wanaagga un raaci doonto.
Daljirka muuqda:-
Abwaan barbaariye, Saciid Saalax Axmed, oo laba bil ka hor un u dabbaal degay sanad guuradiisii 50aad ee macallinnimo, wuxuu ka mid yahay shakhsiyaadka fara ku tiriska ah ee weli u ololeeya tayeynta iyo dib u soo nooleynta dhismaha afka soomaaliga oo ah kaalin muhiim ah qeybna ka ah jiritaankeenna qarannimo
sidaa darteed macallinku wuxuu mudan yahay in loogu hambalyeeyo howl qabadkiisa wanaagsan, waxaannu leennahay “ hambalyo hambalyo macallin waad muteysatee magacaa ha jiro”.
Daljirka muuqda:-
Ra'iisul wasaare ku xigeenkii xukuumaddii dhacday, isla markaana ah sii hayaha wasaaradda arrimaha dibadda, Fowsiyo Yuusuf X. Aadan, ayaa ka mid ah shakhsiyaadka sanadkii la soo dhaafay wax laga tilmaami karo wax qabadkooda weyna ku amaanan tahay, waayo waxey si wanaagsan u gudatay xil qaran iyo xilkii kaga aaddanaa dhanka wakiilnimada kaalinteedii dumarnimo, sidaa darteed waxaanuu leennahay “Fowzia hambalyo halkaada ka sii wad, haddii uu nasiibku kuu saamaxo inaad dib ugu soo noqoto dhismaha golaha xukuumadda”.
Daljirka muuqda:-
Xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo hoggaan kooduba, waxey mudan yihiin dhiirri gelin iyo u hambalyeyn gaar ah, maxaa yeelay waxey boorka ka jafeen isboortigii dansanaa oo ay si xayi ah u soo nooleeyeen, sida ay ina dareensiineyso bilicda ka muuqata garoonka kubadda cagta ee banaadir iyo cayaaraha kala duwan ee gudaha iyo dibaddaba ka dhaca, waana dhaq dhaqaaq ku dayasho mudan oo barbaarta iyo ubadka soo korayaba dan u ah, waxaannu leennahay “hambalyo walaalayaal taariikhda ayaa idin xusi doontee ma daalayaal noqda oo dadaalka halkiinna ka sii wada”.
Daljirka muuqda:-
Danjire C/raxmaan diinaari, waa waddani dhab ah oo aan u adeegidda shacabka marnaba ka daalin, waa halyeey waajibaadkiisa qarannimo aan laalaabin ee sida saxda ah u guta. Dorraad wuxuu ahaa weriye howl kara, shalay wasiir buu ahaa xil kas ah, mantana waa danjire K/Suudaan ku sugan oo ay wada amaaneen dadka soomaaliyeed ee halkaa u xoogsi tagay, dadaalkii ugu danbeeyay wax ka abaabulay waa kii lagu soo daad gureeyay dadkii ay dagaalladu go'doomiyeen oo diyaarad loo soo kireeyay, sidaasi awgeed waxaannu leennahay “ mudane danjire adiga iyo inta kula howl gashayba hambalyo ee horay u sii wada”.
Daljirka muuqda:-
Weriye C/qaadir Dulyar, waa suxufi howlkar ah oo ka dhex shaqeeya meel ay adag tahay in uu ka howl galo qof jilicsan ama beer nugul oo uu wadnuhu qarqarayo... Waa codkar barnaamijyada daadihiya waana qoraa maqaalladiisu ay dhaxal gal yihiin, marka laga eego hab dhacyada siyaasadeed iyo ujeeddada ay daarran yihiin ama looga golleeyahay, waa kartiile ku dayasho mudan, sidaa darteed waxaannu leennahay “ hambalyo mudane waad mudantahee ha ka daalin wax u sheegga bulshadaada soomaaliyeed ee toosinta u baahan”.
Daljirka muuqda:-
Guddoomiyaha degmada Warta nabadda Marwo Deeqo, waxey mudan tahay ammaan iyo abaal marin dhiirri gelin leh, maxaa yeelay waxey wax weyn ka qabatya bilic soo celinta caasimadda siiba xaafadda ay iyadu madaxda ka tahay ee warta nabadda, waxey ka shaqeysay nadaafadda iyo dhammaanba waddooyinkii xir xirna iyo guryihii sida sharci darrada ah waddada looga dhex dhistay oo ay wada burburisay sidoodii horana ku soo celisay iyada oo uu xilligu adag yahay amaankana loo baqayo, balse si geesinimo leh ugu bareertay, sidaa awgeed marwo hambalyo waad mudan tahee magacaa ha jiro.
Dajirrada dahsoon:-
Dhammaanba daljirrada dahsoon ee u wada geeriyooday wax u qabashada danta ummadda soomaaliyeed amaba loo dilay gudashada waajibaadkooda qarannimo, waxaannu leennahay “Rabbi ha idiin naxariisto, jannadii firdowsana ha idin ka waraabiyo, annagana gadaashiin alla nama baadiyeeyo, aamiin aamiin”.

Barbaariye:-
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada