Daawo Sawirada:- Dadka dunida caanka ka ah ee geeriyooday 2013

Daawo Sawirada:- Dadka dunida caanka ka ah ee geeriyooday 2013

daajis.com:-
daajis.com:-Vo Nguyen Giap, Jeneraalka u dhashay dalka Vietnam ee dejiyay qorshihii looga guulaystay Maraykanka iyo Faransiiska xilliyadii ay ku sugnaayeen dalkaas, ayaa geeriyooday isagoo sano 102 jir ah.


Ugu yaraan saddex hoggaamiye oo sarsare oo ka tirsan ururka Talibaanta Pakistan ayaa lagu dilay weerarro ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka: waxay kala ahaayeen Mullah Nazir, Waliyu Raxmaan iyo hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee kooxdaas, Xakimullah Maxsuud.

Nilton Santos, waa cayaaryahan u dhashay dalka Brazil oo ka cayaaray saddex koob oo dunida ah. Waxaa uu koobka ku guulaystay labo jeer. Waxaa uu ku dhintay magaalada Rio de Jeniero isagoo 88 jir ah.

Ra'iisalwasaarihii ugu horrey ee dumar ah ee ay yeelato Britain, Margret Thatcher, ayaa sanadka 2013-ka geeriyootay.


Nelson Mandela, ayaa geeriyooday isagoo 95 so jir ah. Waxaa uu ahaa qareen iyo nin u ololeeya xuquuqda dadka madowga ah ka hor intaan la xirin. Markuu xabsiga ka soo baxay ayuu noqday madaxweynihii ugu horrey ee madow ah ee Koonfur Afrika.


Gabadhan, Jiah Khan, oo jilaa ka ahayd Hollywood, ayaa maydkeeda laga helay gurigeeda magaalada Mumbai. Boliiska ayaa sheegay inay iyadu is dishay.

Madaxweynihii hore ee Venezuela, Hugo Chavez, oo dad badan oo gudaha iyo dibedda dalkiisa ay jeclaayeen, qaar badanna ay necbaayeen, ayaa u geeriyooday cudurka Cancer-ka.

Helen Thomas, oo muddo 50 sano ah weriye ka ahayd Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa geeriyootay. Thomas waxay ka warrantay 10 madaxweyne oo uu ugu dambeeyay madaxweyne Barack Obama, ka hor inta aanay geeriyoonin.

Qoraaga caanka ahaa ee u dhashay dalka Nigeria ayaa geeriyooday isagoo 82 sano jir ah. Waxaa lagu xasuustaa bugaagta uu ka qoray noolosha qaaradda Afrika.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada