Falaagada South Sudan oo "qabsaday" Magaalada Bor

Falaagada South Sudan oo "qabsaday" Magaalada Bor

daajis.com:-Fallaagada dalka South Sudan waxay sheegayaan inay dib u qabsadeen magaalada istaraatiijiga ee Bor.
Tan ayaa imaanayso saacado yar ka hor xilliga ay waddamada gobolka u qabteen dhinacyada ku daagallamaya dalkaas inay xabadda joojiyaan.

Wareysi uu BBC-da siiyay ayaa madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machar, waxaa uu sheegay in uu wafdi u dirayo Itoobiya si ay uga qeyb qaataan wadahadalka nabadda.

Wadahadal shuruud la'aan ah

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed ayaa horey u sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal shuruud la'aan ah.
Balse waxaa uu meesha ka saaray inuu awoodda la qeybsan doono madaxweyne kuxigeenkiisii hore si loo soo afjaro dagaalka.
Madaxweyne Salva Kiir ayaa sheegay sheegay in kuxigeenkiisii hore, Riek Machar, uusan xaq u lahayn inuu awood qeybsi uu ku hoggaamiyo dalka.

Xilliga kama dambaysta ah

Maanta ayay ku egtahay xilliga ay dowladaha gobolka u qabteen labada dhinac ee ku dagaallamayo Suudaanta Koonfureed inay xabadda joojiyaan iyadoo madaxweynaha Yugaandha uu ka digay faragelin militeri.
Yoweri Meseveni ayaa sheegay in waddamada gobolka ay tallaabo militeri qaadi doonaan haddii ninka hoggaaminayo fallaagada ee Riek Machar uu diido xabadajoojin iyo wadahadal.

Beesha Caalamka

Waxaana muuqato in beesha caalamka aanay Yugaandha iyo waddamada gobolka ka horistaagi doonin inay faragelin militeri ku sameeyaan dalkaas.


Salva Kiir iyo Yoweri Museveni
Safiirka Faransiiska u fadhiyo Qaramada Midoobeey, Gerard Araud, ayaa sheegay in Golaha Ammaanka uusan ka joojin doonin dalalka deriska la ah Koonfurta Suudaan inay ka qeybqaataan dagaalka halkaas ka socda.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad gaarayo 180,000 ay ku barakaceen dagaalka ka socda Suudaanta Koonfureed.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada