Gud. baarlamaanka oo amar ku bixiyay in aan wax lacag ah lagala bixi karin bangiga dhexe ee Soomaaliya

Gud. baarlamaanka oo amar ku bixiyay in aan wax lacag ah lagala bixi karin bangiga dhexe ee Soomaaliya

daajis.com:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta ku dhawaaqay inaan amar ah inaan wax lacag ah lagala bixi karin Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ilaa Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka ansixinayaan miisaaniyda Sedaxda bilood ee sanadka 2014.

Kullan Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku yeesheen Muqdisho maanta ayaa loo qeybiyay miisaaniyada saddexda bilood ee sanadka 2014, iyadoo Gudiga Maaliyada Baarlamaanka marka uu soo aqriyo kadib loo qaadi doono cod, si ay u ansixiyaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Jawaari ayaa sheegay in inta Gudiga Maaliyada howsha ugu dheer qabanayo ilaa caawa ay jawaab ka sugayaan, isla markaana aanay wax lacag ah sanadka cusub laga bixin karin Bankiga Dhexe.

"Ilaa uu ka ansixiyo Baarlamaanka Miisaaniyda, Xukuumada ma bixin karo hal shiling oo qarash ah, Bankiga wax lacag ah lagalama bixi kaoi, ilaa waqti kooban gudahood lagu ansixinayo"ayuu yiri Prof. Jawaari.

Waxaa sidoo kale Baarlamaanka maanta hortegay sii hayaha Xilka Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan oo looga yeeray fadhigii maanta, isagoo ka cudur daartay dib u dhaca ku ymid miisaaniyada oo aheyd in goor hore la horkeeno baarlamaanka, isagoo sabab uga dhigay dib u dhaca is bedelkii Xukuumada hore ee kalsoonida lagala laabtay.


Waxaa uu sheegay in Miisaaniyadan ay ka ballaaran tahay miisaaniyadii hore, ee 10-ka Wasaaradood, isla markaana qorshuhu yahay in Xukuumada la ballaariyo, waxaana uu codsaday Xildhibaanada inay fududeeyaan ansixinta miisaaniyada, maadaama berri ay sanadka cusub ay kow tahay.

"Waxaa idinka codsanayaa in waqtiga yar ee aan heysano inaad sahashaan in Miisaaniyadan KMG inaad asixiysaan, idikoo tixgelinaya daruufaha jira"ayuu yiri Maxamuud Xasan Suleymaan.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa marka ay soo aqristaan miisaaniyada sanadka 2014 kadib ay cod kalsooni ah u qaadi doonaan, ilaa inta ka horeysana wax lacag ah lagala bixi doonin Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada