Somaliland Oo Digniin Culus U Diray M/weynaha Cusub Ee Puntland Cabdi Wali Gaas.

Somaliland Oo Digniin Culus U Diray M/weynaha Cusub Ee Puntland Cabdi Wali Gaas.

daajis.com:-Kadib markii shalay uu xilka M/weynaha maamulka Puntland uu ku guuleystay C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa waxaa arinkaas ka hadlay maamulka Somaliland.
 
Ka hor intii uusan C/wali Gaas xilkaan ku guuleysan ayaa waxa uu balan qaaday in gacanta ciidamada maamulka Puntland uu ku soo celin doono Laasacaanood oo hada ay ka taliyaan maamulka Somaliland.

 
Xirsi Cali Xaji oo ah wasiirka Madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa sheegay in uu kaga digaayo M/weynaha cusub ee maamulka Puntland C/wali Gaas in uu isku soo dayo deegaan Laasacaanood la wareegistiisa .

 
Sido kale waxa uuna sheegay in hadii uu damco in uu weerar ku soo qaado Laasacaanood uu cawaaqib xumo iyo jab kala kulmi doono waxa uuna cadeeyay in ay tahay dul ay Somaliland lee dahay dadka degan nah ay ogol yihiin.

 
Maamulka Somaliland ayaa waxa ay mar kasta iyaga iyo Puntland isku heystaan cida ka talineysa Laasacaanood iyadoo ilaa iyo hada aysan jirin dhinac lagu ogyahay.

Ugu danbeyntii C/wali Gaas ayaan la ogeyn waxa uu sameyn doono maadaama balanqaadkiisu ay ka mid eheyd in uu Laasacaanood ku soo celin doono gacanta maamulka Puntland.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada