Waligaa Lamaantaada Arimaahan Ma U Sameysay ? Boqorka Ragga Ee Dhabta Ah Waa Adiga

Waligaa Lamaantaada Arimaahan Ma U Sameysay ? Boqorka Ragga Ee Dhabta Ah Waa Adiga

daajis.com:-Iyadoo guurka labada lamaane uu ka soo bilaawdo Jaceylka ayaa hadana garuuka ka dib loo baahan yahay in la qaado talaabooyin lagu kobciyo iyadoo qodobo yar uu si weyn uu ugu kobcayo sii jiritaankiisa .

1-Xiliga aad guriga dib ugu soo laabato ugu horeyn raadi halka ay ku jirto deedna xabad gili (Hab sii).
2-Si fog uga wareyso xaaladda maalintaas ay ku dhameeysatay , su`aalo badan ka weydii hadii ay jiraan wax ku soo kordhay maalintaasi .
3-Xoogga saar oo samee in aad la muragooto xiliga ay xanuunsaneyso ama dhib kale dareemeyso .
4-Dhunko(Shumi)macslaameey xiliga aad guriga ka baxeeyso.
5-xabadka gili(Habsii)ama qoorta qoorta u saar ugu yaraan afar jeer maalintii .
6-waan ku jeclahay ku dheh ugu yaraan maalintii laba jeer
7-u mahad celi marka ay howl ku sameeyso ama kuu qabato.

8-xiliga ay cuntada kuu diyaarineyso ammaan habka wax karinteeda.
9-ku boori oo u muuji mar waliba in aad la dhacsan tahay muuqaalkeeda .
10-Alaabtada muhiimka kuu ah adiga hagaajiso ha ka sugin in iyada uun ay kuu sameeyso .
11-Hadii maalin ay daalan tahay ama mashquul ay tahay saacideey oo howsha qabo sida in aad caruurta aad iskuulka u kaxeeyso , ama guriga hagaajisid ama cuntada .

12-Xoogaa nasasho ula bax banaanka magaalada iyadoo caruurta idinla socon .
 13-La soo hadal adiga oo shaqo ku maqan weydii xaaladeeda xitaa hadaad wax kale weydo ku dheh oo u muuji waan ku Jeclahay .
14-Xiliga aad guriga ku soo laabato oo aad aqrisaneyso wargeys ama Tv-ga daawaneysid sii ugu yaraan 15-daqiiqo si aad iyaad uga dhageysato warka
15-Marka aad la hadleyso gacantaada saar qeyb ka mid ah jirkeeda sida gabarka ama dhabarka .


16-la soo hadal oo ku war gili hadaad maalintasi soo dib dhaceeysid oo aadan imaaneyn waqtigii aad Guriga tagi jirtay .
17-Marka aad safarka magaalada ka baxsan aad galeeyso la soo xariir una sheeg in si nabad ah ku gaartay magaalada aad dooneysay isla markaana sii Taleefanka lagaa heli karo .

18-U qorshee maalmo aad magaalada u baxeysaan , hana dhibsan hadey ay soo dahaado sida haddii ay labiska ku soo daahdo ha ku oran naga dhaqso waan daahnee .
19-Waxa u baahan in la soo sameeyo ee guriga yaal ama la doonayo in la keeno liis ku qoro isla markaana keen haka sugin in ay kugu soo war giliso .

20-Kaga nixi Hadiyado yar xiliyada qaarkood sida tiro ubaxyo ah , Shukalaato ama macmaanka noocyadiisa kala duwan ee ay Haweenka jecel yihiin ama wax kale oo ay u baahan tahay sida wax lagu xasuusto munaasabadii guurkiina , ama dhalashada .
21-Hadey ay xanuunsan tahay weydii xaalkeeda mar waliba isla markaanaa xasuusi xiliga ay daawada isticmaali laheyd si aysan u iloobin .

22-Xiliga jiifka ama hurdada haka dib dhicin oo hal xili la gal sariirta.
23-Hadey ay wax ku weydiisato ka diid ama ka ogalaaw laakiin ha canaanan oo haku qaylin oo erayo shucuur kale ku reebaya haku oran.

24-Haddii aad dhaawacdo shucuurteda is bar bar taag oo ku dheh wan ka xumahay dhaawaca aan kuu geeystay , kana aamus una daa in ay fahanto shacuurta ka muuqata .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada