Daawo Yaabkaan:- Moos Daroogo lagu soo dhex qariyay oo Jarmalka loo soo dhoofiyay & Eey kashifay , Yaa soo diray + Warbixin

Daawo Yaabkaan:- Moos Daroogo lagu soo dhex qariyay oo Jarmalka loo soo dhoofiyay & Eey kashifay , Yaa soo diray + Warbixin

daajis.com:-Fadeexo iyo buuq aad u fara badan ayaa ku furantay dukaanka ugu weeyn uguna caansan dalka Germany ee lagu magacaabo (ALDI) qeeybihiisa magaalooyinka Berlin iyo Brandenburg ka dib markii Markab Qudaar Moos ah u keeni jiray lagu soo dhex qariyay daroogada halista ah ee loo yaqaan Cocaine. 



ALDI oo iibiya Qudaarta iyo raashinka nuucyadiisa kala duwan waxaa guud ahaan Qaarada Yurub looga yaqaan (Hofer) waxaana Moos ama Muus looga keeni jiray Qaarada Laatiin America gaar ahaan dalka Colombia lagu soo dhex qariyay 140 Kiilogramm oo Daroogada Cocaine ah taas oo qiimaheeda lagu sheegay in ka badan 6 Milyan oo Euro. 

Booliiska Sirdoonka Jarmalka gaar ahaan qeeybta la dagaalanka Daroogada ayaa gebi ahaanba la wareegay Xafiisyadii ama baqaaradii (ALDI) uu ku lahaa magaalooyinka Berlin iyo Brandenburg waxaana iminka baxar ku jira shaqaalaha xafiisyadaas iyo ganacsato Colombian ah oo uu markabkaan u rarnaa. 






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada