War Deg Deg Ah:- Weerarkii labaad oo Ismiidaamin ah oo hada ka dhacay Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho

War Deg Deg Ah:- Weerarkii labaad oo Ismiidaamin ah oo hada ka dhacay Hotelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Wararkaaan hada ka heleyno Hoteelka Jaziira oo kuyaala agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mar kale lagu qaaday Weerar Ismiidaamiin ah.

Qarax Ismiidaamin ah oo si weyn looga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho ayaa mar kale laga maqlay Hoteelka Jaziira iyadoona aan si rasmi ah loo ogeyn qaraxa labaad waxa loo adeegsaday iyo in uu ka dhacay gudaha hoteelka ama banaankiisa.

Daqiiqado kahor ayaa qaraxa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray iridka Hore ee Hoteelka Jaziira iyadoona xiligaa kadib la maqlay Rasaas xoogan ay rideen ilaalada Hoteelka iyo Ciidamo katirsan Dowlada.

Xili afaafka Hoteelka Jaziira ay soo buux dhaafiyeen Ciidamo tiro badan iyo dadyow kale ayaa hadana la maqlay Qaraxii labaad daqiiqado kahor kaa oo lasoo sheegayo in qasaaraha xoogiisa uu ka dhashay.

Wali si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay Qaraxyada xoogan ee goordhaw lagu weeraray Hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho oo kamid ah Hoteelada ugu amaanka badan Magalaada Muqdisho kuna yaala goob amaankiisa aad loo adkeeyo.

Qaraxyada ayaa waxyeelo xoogan u geestay Hoteelka Jaziira iydaoona lasoo warinayao in ay bur bureen daaqadhii iyo ilbaabadii miyaaradaha kasameesnaa ee Hoteelka Jaziira.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Allbanaadir_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada