Daawo Sawirada:- Taliyaal Katirsan Booliiska oo kamid noqday dadkii xalay ku dhintay Weerarkii Hotel Jaziira

Daawo Sawirada:- Taliyaal Katirsan Booliiska oo kamid noqday dadkii xalay ku dhintay Weerarkii Hotel Jaziira

daajis.com:-Waxaa faah faahino dheeraad ah kasoo baxayaan qaraxyo ismiidaamin ah oo gaadiid waxyaabaha qarxa loo adeegsaday oo xalay lagu weeraray Hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho .

Qaraxyada ismiidaaminta ayaa ahaa labo qarax waxaana midka hore lagu qarxiyay meel ku dhaw Iridka Hotelka Jaziira iyadoona lasoo sheegayo Ciidamada Dowlada ay fashiliyeen rag doonayay in qaraxa kadib gudaha u galaan hotelka kadibna toogasho halkaasi ka geestaan.

Qaraxa hore ee Hotelka lagu weeraray ayaan dhalin qasaaro sidaa u badan hasa ahaatee waxaa daqiiqao kadib isna goobtaasi ka dhacay Qarax kale oo isiidaamin gaari loo adeegsdaay kaa oo dhaliyay inta badan qasaaraha halkaasi ka dhacay.

markii uu dhacayay qaraxa labaad ayaa la sheegay in Hoteelka soo buux dhaafiyeen Saraakiil iyo ciidamo katirsan Nabad Sugida iyo Booliiska Soomaaliya kuwaa oo durba xiray hotelka wadooyinka laga soo galo.

Qaraxa labaad ayaa waxaa qasaaro xoogan uu kasoo gaarya Saraakiil katirsan Booliisk iyo Ciidamadii Hoteelka u gurmaday kadib markii gaariga labaad ee la qarxiyay ay ka agdhawaadeen.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Madaale ayaa xaqiijiyay in Weerarka labaad ee ismiidaaminta ah ay ku dhinteen Taliyayaasha Saldhigyada Booliiska Degmooyinka Wardhiigley iyo shangaani oo kamid ahaa dadkii u gurmaday Hotelka markiila weeraray.

Madaale waxa uu sheegay in ay jiraan Qasaraooyin kale oo dhimasho iyo dhaawac oo kasoo gaaray Ciidamada Booliiska Weerararada Ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu weeraray Hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho , waxa uuna dhimashada ku sheegay kudhawaad 10-qof iyo dhaawac ka badan 30-qof.

Hotelka xalay la weeraray ayaa kamid ahaa Hoteelada ugu amaanka badan Magaalada Muqdisho kuna yaalay goob muhiim ah oo ku dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaana inta badan hoteelkaasi daga Masuuliyiin katirsan Dowlada iyo Ajaaniib.




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada