Daawo Sawirada:- Dab Qasaaro xoogan dhaliyay oo ka kacay Guri ay Soomaali dagneed oo kuyaala Minneapolis

Daawo Sawirada:- Dab Qasaaro xoogan dhaliyay oo ka kacay Guri ay Soomaali dagneed oo kuyaala Minneapolis

daajis.com:-Dab qasaaro xoogan dhaliyay ayaa ka kacay guri Dhoor dabaq ka kooban ay dagnaayeen Soomaali badan kaa oo kalifay dhaawaca ilaa 14-qof oo 6-kamid ah ay ahaayeen Soomaali..

Dabka ayaa ka kacay Xaafadda Cedar Magaalada Minneapolis ee Dalka Mareykanka waxaana la tilmaamay in dhaawacyada ka dhashay dabkaasi qaarkood ay xaalada halis ah ku jiraan iminkana lagu daweenayo Isbitaalada.

lama oga ilaa hada waxa dhaliyay dabkan Qasaaraha badan geestay ee ka kacay guriga Dhoorka dabaq ka kooban ay dagnayaeen Soomaali kunool Magaalada Minneapolis ee Dalka Mareykanka.

Gawaarida Dab damiska ayaa markii dambe ku guuleestay daminta dabka xoogan ee qabsaday guriga ay Soomaalida dagneed , waxaana lasoo bad baadiyay dad badan oo ku go'doonsanaa gudaha dhismahaasi.

Guriga dabaqa ah ee dabku ka kacay waxaa inta badan dagnaa Dad Soomaali ah waxaana uu dhinaca ku hayey goob Masjid ah oo lagu cibaadeysto .




_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada