Al-Shabaab oo ka warbixiyay qorshaha iyo ujeedka ay ka lahaayeen weerarkii Madaxtooyada

Al-Shabaab oo ka warbixiyay qorshaha iyo ujeedka ay ka lahaayeen weerarkii Madaxtooyada

daajis.com:-Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa ka warbixiyay weerarkii shalay ay ku qaadeen xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, isagoo sheegay in ujeedkii laga lahaa weerarkaas la gaaray.

Cali Dheere oo hadlay kadib markii uu dhacay weerarkii Madaxtooyada ayaa waxaa uu tibaaxay in qorshaha weerarka uu ahaa in lagu soo qabto Madaxweynaha ama isagoo dhintay in gacanta lagu soo dhigo sida uu yiri.

"Qorshaha mujaahidiinta ee howl galkaas u dajiyeen wuxuu ahaa ninka ugu sareeya kooxda Ridada in la soo qabto ama isagoo dhintay la soo qabto, si loo dhaafiyo umada"ayuu yiri Cali Dheere.

Cali Dheere ayaa sheegay in kooxdii weerartay Madaxtooyada ay gaareen meeshii loogu tala galay, isla markaana ay ka gudbeen difaacyada u taalay ciidamada kala duwa, taasoo uu xusay inay qal qal gelisay Madaxweynaha.

"Mujaahidiinta meeshii loogu tala galay ee qorshuhu ahaa ayay gaareen, iyagoo ka gudbay difaacyadii oo dhan, hadii uu maanta fakaday Xasan Sheeh, howl galada soo socda ayuu ku fakan doonin, waxaa talo ku siineynaa inteey goori goori tahay inuu alle u towbad keeno"ayuu yiri Cali Dheere.

Ciidamada ammaanka Madaxtooyada ayaa toogtay dhamaan kooxihii soo weeraray Madaxtooyada, iyadoo gudaha Madaxtooyada ka socotay is rasaaseyn culus oo muddo daqiiqado socotay.

Ilaa iyo hada waxaa weerarkaas ku dhintay ugu yaraan 15-ruux oo ahaa ka mid ahaa kooxihii weerarka geystay, saraakiil ka tirsan dowladda, askar iyo mas'uuliyiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada