Mucaaradad xoogan oo dibad iyo gudaha leh ayaa soo foodsaareysa qaabka ay u shaqeyso dowladda Soomaaliya.

Mucaaradad xoogan oo dibad iyo gudaha leh ayaa soo foodsaareysa qaabka ay u shaqeyso dowladda Soomaaliya.


daajis.com:-Tan iyo markii ay soo bateen weerarada joogtada ah ee isugu jira qaraxyada, madaafiicda iyo dagaalka tooska ah ee ka dhaca Muqdisho maalin iyo habeenba waxaa soo baxayey guux isa soo taraya oo lagu mucaaradayo dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Guuxaan ayaa maanta Muqdisho ka sii xoogeystay kadib weerarkii madaxtooyada ka dhacay, waxaana maanta dadka magaalada ku sugan ee qeybaha kala duwan ah dhamaantood ay hadal hayaan in dowladda looga baahan yahay in warkoodu cadaado oo aaney la imaan balanqaad been ah.

Dadka nala soo xiriiray maanta ayaa dhaliilayey dadka ay dowladu u xilsaartay xaga amaanka oo ay ku sheegeen inaaney karti iyo aqoon midna u lahayn, ”Ma aqbali doono in maalin walba ilmaheenii madaafiic dowladda loo wado ama qaraxyo ay ku dhamaadaan, waa inay dowladu meesha isaga tagtaa ama ay waxqabad la timaadaa” taasi waa fikirka inta badan dadku ay saakay ku dhawaaqayeen.

Dhaqdhaqaaqyo ay wadaan bulshada rayidka ah ayaa iyana socda kuwaa oo ay suuro gal tahay inay qabanqaabiyaan dibadbax ay ku dalbnayaan in dowladu ay is badal dhinaca hay’aha iyo masuuliyiinta la timaado.

Dhinaca kale soomaalida ku nool dalalka qurbaha ayaa inta badan aad u dhaliila qaabka ay u shaqeeyaan hay'adaha amniga ee dowladda Soomaaliya oo ay ku tilmaameen inay ka liitaan kuwii ku meel gaarka ahaa.

Arinta kale ee dadku ay aadka uga caroodeen ayaa ahayd hadalkan joogtada ah ee ay dowladu ku sheegto inay weerarada dhacay fashilisay oo ay ka hortagtay, kuwaas oo ay dad badan ku dhinteen, waxaana dadku ay ka careysnaayeen in weerar dad ku dhamaaday la yiraahdo waa la fashiliyey.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada