Daawo Sawirada:- Madaxweynaha oo ka qeyb galay sanad-guurada 44aad ee Ciidamada Asluubta.

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha oo ka qeyb galay sanad-guurada 44aad ee Ciidamada Asluubta.

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda 44 aad ee ka soo wareeegatay maalintii la aas-aasay Ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay xarunta Taliska Ciidamadda Asluubta ee magaaladda Muqdisho.

Munaasabadda Waxaa goob joogka ahaa, Wasiirka Dastuurka iyo Cadaaladda Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdulaahi Goodax Barre, Taliyayaasha Ciidamadda Asluubta, Nabad Sugidda iyo Xooga Dalka.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Faarax Sheekh Cabdullaqaadir ayaa ugu horreyntii hambalyo u diray dhammaan Saraakiisha, Saraakiil Xigeenadda, askarta iyo Qoysaskooda ” Ciidamadda Asluubta waa kuwa dhaqan-celin u sameeya maxaabiista, waxeyna ka hortagaan dhaqamadda xun xun, dhawaanna howlahooda aad ayey u soo muuqan doonaan”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore u hambalyeyey dhammaan Ciidamadda Asluubta iyo Qoysaskooda “Hambalyo ayaan leeyahay dhammmaan Taliyayaasha, Ciidamadda, Carruurtooda iyo Xasaskooda, maanta waxay ka mid tahay maalmaha aadka noogu weyn. Dowladdu waxey ahmiyad gaar ah siineysaa dib-u-habeynta Garsoorka oo muhiim u ah caddaaladda, sinnaanta iyo xaquuqul insaanka. Maxaabiistana waxaan ku dadaaleynaa inay helaan tasiilaadkii muhiimka u ahaa, si ay u noqdaan kuwa ka waantooba danbiyada isla markaana ka faa’iiseysta fursada dhaqancelitna ee dowladdu u fidineyso.”

“Dhiiranaan dheeri ah ayey igelineysaa in aan maanta arko Ciidamadda Asluubta oo Sannad Guuradooda u dabaal degaya, Waxaa la idinka baahan yahay waajibkii caadiga ahaa ee idin sarnaa iyo kuwa dheeri ah oo ay keeneen daruufaha dalka ku jira ee uu Amnigu ugu horeeyo, Ciidamadda Asluubta waa hal-bowlaha Garsoorka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo hadalo dhiiro-gelin ah u jeediyey Ciidamadda ayaa yiri “Waxaan dareemayaa isku day ka turjimaya balanteenii ahayd marka hore wixii aan qabsan karno aan qabsano kaddibna waxii aan kari weyno aan dalbano, Soomaaliya Soomaali baa leh, oo waxaa nalaga sugayaa inaan daruufahan adag dalka ka saarno innagoo isku duuban.”











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada