Al-shabaab oo Markale Fariin Cusub usoo Diray Shacabka Somaliyeed Gaar Ahaan Kuwa Muqdisho Ku Nool

Al-shabaab oo Markale Fariin Cusub usoo Diray Shacabka Somaliyeed Gaar Ahaan Kuwa Muqdisho Ku Nool

daajis.com:-Ururka Al Shabaab, ayaa dadka reer Muqdisho ugu yeeray in ay isaga fogaadaan Xarumaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ay ku lee dahay Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waaliga Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal), ayaa wuxuu sheegay in dadka reer Muqdisho ay kaga digayaan xarumaha Dowladda.

Sidoo kale dadka weli deggan Xeendaabka Dowladda, ayuu ugu baaqay in ay markale ugu celinayaan in ay isaga fogaadaan, si aynaan hadhow waxyeelo uga soo gaarin weerarada ay ka geysanayaan.

Waaliga waxa uu shacabka ugu yeeray in ay garab siiyaan Ciidamada Ururka Al Shabaab, sidoo kalana ay la dagaalamaan Ciidamada Dowladda iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

In ay dagaalamaan shacabka reer Muqdisho, ayaa waxa uu ku tilmaamay arrin waajib ah oo laga doonaayo in ay gutaan sida uu yiri, markii uu sheegay in dalka uu heysto cadow.

Shabaab, ayaa waxaa lagu eedeeyaa inaanay u diir naxayn shacabka Somaliyeed, isla-markaana ay ku caan baxayn daadinta dhiigga Ummada Muslimiinta ee Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya wuxuu Shabaabku ku eedeeyay in ay beegsanayaan goobaha ay ku badan tahay bulshada, isla-markaana ay muujineyso sida ay ugu fashilmeen dagaalka, lagula jiro.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada