Axsaabta mucaradka Germany oo kasoo horjeestay ciidamo ay dowladaasi u soo dirto Somalia

Axsaabta mucaradka Germany oo kasoo horjeestay ciidamo ay dowladaasi u soo dirto Somalia

daajis.com:-Illaa 2 xisbi oo mucaarad ah kana dhisan wadanka Jarmalka ayaa kasoo horjeestay hadal shalay kasoo baxay dawlada Jarmalka oo ahaa in dawladaas ay Soomaaliya usoo dirayso ciidamo tababar siiya ciidamada Soomaaliya.

ila  2 xisbi mucaarad ah kana dhisan wadanka Jarmalka ayaa kasoo horjeestay hadal shalay kasoo baxay dawlada Jarmalka oo ahaa in dawladaas ay Soomaaliya usoo dirayso ciidamo tababar siiya ciidamada Soomaaliya.

Afhayeenka xiriirka dibbadda xisbiga la yiraahdo bidixda ee dalka Jarmalka Stefan Liebich oo la hadlay warbaahinta wadankaasi ayaa arrin aan wanaagsanayn ku tilmaamay go’aanka dawlada ee ah inay ciidamo Soomaaliya usoo dirto kuwaasoo qeyb ka noqon doona qorshaha Midawga Yurub uu ku tababarayo ciidamad Soomaaliya.
Afhayeenkaan waxaa uu xusay in go’aankaasi uu yahay mid dawladu kaligeed gaartay ayadoon aan cidna kala tashan dhinacooda marka loo eegana ay diidan yihiin sida uu yiri.
“Go’aankaan ka hor inta aan la gaarin waxaa sharci ah in lagala tashto baarlamaanka dalka hadda sida muuqatana waxaa lagu dhaqaaqay go’aan aan sharci aheyn” ayuu yiri Stefan Liebich oo u hadlay xisbi mucaarad ah oo dalka Jarmalka ka dhisan.

Sidoo kale xisbiga kale Green’s afhayeen u hadlay oo la yiraahdo Agnieszka Brugger ayaa tiri “Angle Markel waa inay sharaxaad ka bixisaa waxaa ku qasbay inay go’aankaan kaligeed qaadato”.
Xubnahaan u hadlay axsaabta mucaaradka ee dalka Jarmalka ka dhisan waxaa u jawaabay gudoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka dalkaasi kana tirsan xisbiga Social Democrats oo bah wadaag la ah xisbiga talada wadanka haya ninka la yiraahdo Hans-Peter Bartels oo yiri go’aankaan waxaan ku caawinaynaa dadka Soomaaliyeed si ay cagahooda iskugu taagaan.
Wasaaradda difaaca dalka Jarmalka ayaa war ay shalay soo saartay waxay ku sheegtay inay Soomaaliya usoo dirayso cutubyo ka tirsan ciidamadeeda si ay uga qeyb qaataan howlgalka Midawga Yurub uu ku tababaro militryga Soomaaliya. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada