CR7 Oo Madaxa Looga Dhuftay Qarxisada Sigaarka Lagu Shido Kulankii Xalayto & Atletico Oo Ka Hadashay.

CR7 Oo Madaxa Looga Dhuftay Qarxisada Sigaarka Lagu Shido Kulankii Xalayto & Atletico Oo Ka Hadashay.

daajis.com:-Cristiano Ronaldo ayaa lagu dhuftay qarxisada sigaarka lagu shido ama loo yaqaano jantasiigare kulankii ay Real Madrid 2-0 kaga badisay Atletico Madrid ee xalayto ka dhacday Vicente Calderon.

Xiddiga reer Portugal oo bartamaha kaga jira seddex kulan oo uu ka ganaaxan yahay horyaalka La Liga ayaa labo rigoore u dhaliyay Madrid oo ay ku xaqiijisatay booskeeda finalka Copa del Rey iyagoo lugtii hore ee Bernabeu ku soo badiyay 3-0, laakiin waxa uu qeyb ka ahaa labo dhacdo oo nasiibdarro ah qeybtii hore.
Marka hore waxaa jaale lagu siiyay qalad uu ku galay daafaca Atletico Javier Manquillo, markii labada ciyaaryahan ay isla boodeen, laakiin 19 jirka ayaa madaxa dhulka u hormarsaday iyadoo dhaawac uu ka soo gaaray qoorta.
Ma jirin wax isqabqabsi ah oo dhacdadaas ka dhacay xitaa Ronaldo ma uusan ka warqabin in ninkii la tartamayay uu dhulka yaalo, waana uu u soo laabtay markii uu ogaaday xanuunka dhicitaankiisa.
Wax yar ka dib, 29 jirkaan ayaa waxaa lau dhuftay jantasiigare laga soo tuuray taribuunka isagoo garoonka baxayay waqtigii nasashada islamarkaana la sheekeysanayay saaxiibkiisa Sergio Ramos.
Ronaldo ayaa qeybtii labaad garoonka ku soo laabtay ka dib markii la soo daweeyay, laakiin waxaa bedelay Jese daqiiqadii 75aad.
“Waan ka soo horjeednaa habdhaqanka taageerayaasha” ayuu afhayeen u hadlay Atletico u sheegay saxaafada.

“Cidna ma ahan inay wax tuurto.
“Waa inay kooxda taageeraan. Waa dhacdo kali ah, waxaan ogaanay shaqsiga soo tuuray qarxisada sigaarka lagu shido. Waa inaan sugno warbixinta garsooraha si aan u aragno waxa la qaban karo.”
Kabtanka Real Madrid Iker Casillas ayaa isna yiri: “Waxaa mar walba jira hal shaqsi oo nolosha ka dhacay oo ceebeynaya taageerayaasha kale. Wixii dhacay ma soo bandhigeyso tayada taageerayaashooda.”
source:-laacib.net FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada