--> Daawo Cali Khalif oo shegay hadii wax igaaraan waxaa loo heystaa reer Muqdisho.

--> Daawo Cali Khalif oo shegay hadii wax igaaraan waxaa loo heystaa reer Muqdisho.

daajis.com:-Xildhibaan Cali Khalif Galayr ayaa waxaa markii ugu horeysay waxaa uu shaaciyey in haddii ay noloshiisa wax soo gaaraan oo ay dhibaato ku dhacdo inay arintaas masuuliyadeedu ay leedahay dadku nool magaalada Muqdisho asagoona sheegay inuu sidaas kula dardaarmay safaarada dalka Mareykanka ee magaalada Nairobi ee dalkaas Kenya. 


Xildhibaan Cali Khalif Galayr oo wareysi siiyey telefishinka Universl tv ayaa waxaa uu sheegay inuu yahay nin heysta dhalashada dalkaas Mareykanka islamarkaana uu dardaarmay oo uuna u sheegay safaarada dalkaas Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya hadii ay noloshiisa wax soo gaaraan inay masuuliyadeedu ay leeyihiin dad ku sugan magaalada Muqdisho islamarkaana uu u cadeeyey maamulka safaaradaasi cida ay yihiin dadkaas uu sheegaaya, Laakiin Xildhibaan Cali Khalif Galayr ayaa waxaa uu ka gaabsaday inuu warbaahinta u sheego cida uu ka hadlaayo oo uu ku sheegay inay noloshiisu ay qatarta ku yihiin. 

Ugu dambeyntiina iyadoo aan si buuxda loo ogeyn cida uu ka hadlaayo Xildhibaan Cali Khalif Galayr inay yihiin kuwa noloshiisa sababsan kara oo laga yaabo inay dilaan, ayaa waxaa adag in la saadaaliyo cida uu sheegaaya ee ku sugan magaalada Muqdisho, Xildhibaanka ayaa waxaa uu ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo mar la weydiiyey inay tahay cida uu sheegaayo dowlada maamusha dalka asagoona ku gaabsaday inaan loo baahnayn inuu faahfaahin ka bixiyo arintaas. 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada