Daawo Muuqaal:- Booliiska Mareykanka oo sheegay inay qabteen xabsigana dhigeen wiil Soomaaliyeed oo baxsad ahaa!!

Daawo Muuqaal:- Booliiska Mareykanka oo sheegay inay qabteen xabsigana dhigeen wiil Soomaaliyeed oo baxsad ahaa!!

daajis.com:-Booliiska dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay qabteen oo ayna xabsiga dhigeen wiil Soomaaliyeed oo baxsad ahaa kana mid ahaa dadka loogu raadis badan yahay dalalka Canada iyo Mareykanka asagoona loo heysato kufsi iyo dambiyo kale oo uu geystay. 


Wiilkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Cabadinaasir Cabdi oo 27 sano jir ah islamarkaana ka mid ah ama ku jira liiska 10ka qofood ee ay booliiska dalka Canada ugu raadiska badan yihiin ayaa waxaa la sheegay inay qabteen booliiska dalka Mareykanka ee ka howl gala xaduudka u dhexeeya dalalka Canada iyo Mareykanka xilli uu wiilkaas Soomaaliga ah uu damcsanaa inuu lug kaga gudbo xaduudka buundada loo yaqaan Rainbow Bridge oo uuna galo gudaha dalka Mareykanka, Wiilkaan Soomaaliga ah oo si aad iyo aad ah looga doonaayo dalka Mareykanka ka dib dambiyo dhowr ah oo ka mid ah kufsi uu geystay ayaa waxaa uu in mudo ahba uu ku dhuumaaleysanaayey dalka Canada iyadoona ay dhawaantaan liis uu ku jiro wiilkaas ay soo saareen booliiska dalka Canada oo ay ku weydiisanayaan shacabka dalkaas inay ka caawiyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa. 

Ugu dambeyntiina iyadoo wiilkaan Soomaaliga ah ay gacanta ku dhigeen booliiska dalkaas Mareykanka ayaa waxaa uu warku sheegayaa inuu wiilkaas uu asagu isu dhiibay booliiska jooga xaduudka u dhexeeya dalka Canada iyo Mareykanka, ka dib markii uu ka baqay in la aqoonsado, Af hayeen u hadlay booliiska dalka Canada oo lagu magacaabo Andrew Lawson ayaa waxaa uu sheegay in sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska dalka Mareykanka uu u xaqiijiyey inuu wiilkaas Soomaaliga uu sheegay inay is dhiibidiisa ay ka dambeysay ka dib markii ay dhawaantaan booliiska dalka Canada ay faafiyeen sawiradiisa, Wiilkaan Soomaaliga ah oo heysto deganaansho dalka Mareykanka oo aan heysan dhalashada dalka Mareykanka ayaa waxaa laga yaabaa hadii lagu helo dembigaas marka uu xabsigiisa dhamaysto in loo musaafuriyo dalka Soomaaliya. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada