Daawo Muuqaal:- Jen Yuusuf Indhacade oo ugu baaqay Saraakiisha Sar Sare ee al Shabaab in ay Banaanka u soo baxaan!!

Daawo Muuqaal:- Jen Yuusuf Indhacade oo ugu baaqay Saraakiisha Sar Sare ee al Shabaab in ay Banaanka u soo baxaan!!

daajis.com:-Jen Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) ayaa si kulul ugu jawaabay fal ay dhawaataan gurigiisa ku burburiyeen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab asagoo dhanka kalena ku eedeeyey saraakiisha ciidamada dowlada inay laaluush ay xabsiga uga sii daayaan maleeshiyaadka Alshabaab. 


Jen Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo dhawaantaan booqday haraagii iyo burburkii ka soo harey guri ku yaala degmada Huriwaa oo uu lahaa Jen. Indhacade oo ay miinooyin ku burburiyeen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ayaa waxaa uu sheegay inay arintaan waxba u dhimeynin laakiinse ay sii kordhinayso dhibaatada iyo colaada kala dhaxaysa maleeshiyaadka kooxda Alshabaab, Sidoo kale ayaa waxay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ay minooyin ku qarxiyeen guri kale oo uu lahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaaka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey, Jen. Indhacade ayaa waxaa uu sidoo kale ku eedeeyey dowlada federaalka in qofkii Alshabaab ah oo la qabto uu laallush bixiyo oo laga sii daayo xabsiga, Lakiin asaga uu dili doona qofkii Alshabaab ah ee uu qabto, Janeraal Indhacade ayaa waxaa kale oo uu ku hanjabay inuu yaqaano madaxda Alshabaab guryahooda oo uu asagana ka aarsan doono islamarkaana uu katarbiilo ama buldoosyo uu ku burburin doono guryaha ay leeyihiin madaxda Alshabaab. 

Ugu dambeyntiina iyadoo hadalkaa ku dhisan carada ee ka soo yeeray Jen. Indhacade uu ku soo beegmaayo xilli ay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ay sii kordhiyeen weerarada ay ku hayaan shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed ayaa waxaa kale uu Jen. Indhacade sheegay inuu hada wixii ka dambveeya uu soo degi doono goobta ay ka dumiyeen gurigiisa islamarkaana uu ku sugnaan doono halkaas ilaa uu ka sifeeye oo uu ka saaro maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee deegaanadaas, Laakiinse waxaan la ogeyn sida uu Jenaraalka oo aan xilligaan wax xil ah ugu magacaabneyn dowlada Soomaaliyeed ay ugu suuro geli doonta dagaalkaas uu iclaamiyey inuu ku sifeyn doono maleeshiyaadka kooxda Alshabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada