Daawo Muuqaal:- Odayaasha Beelaha Digil iyo Mirifle oo si kulul uga hadlay guri Xoog lagu Dhisanayo oo lahaa Zoobe!!

Daawo Muuqaal:- Odayaasha Beelaha Digil iyo Mirifle oo si kulul uga hadlay guri Xoog lagu Dhisanayo oo lahaa Zoobe!!

daajis.com:-Odayaal iyo waxgarad ka soo jeedo beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay si kulul uga hadleen guri uu lahaa marxum Cabdulqaadir Aadan ZOOBE oo ku yaala magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in si xoog ah oo qasab lagu dhisanaanyo ayagoona arintaas ku eedeeyey inuu ka masuul yahay duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan. 


Odayaasha dhaqanka Digil iyo Mirifle oo dhawaantaan kulan isugu yimid magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegeen in guri uu ku lahaa magaalada Muqdisho marxum Cabdulqaadir Aadan ZOOBE (AUN) oo ku yaalay agagaarka Lambar afar ay si xoog iyo qasab ah ay ku dhisanaayaan qolooyin aan lahayn dhismahaas oo raba inay si sharci daro ah ay ku qaataan dhulkaas kuna sharciyeystaan, Odayaashaan ayaa waxay ku eedeeyeen arintaas heyadaha garsoorka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Odayaasha ayaa waxay sheegeen inuu dhulkaas yahay mid caan ah oo Soomaali oo dhan intii ku nooleyd magaalada Muqdisho ay u taqaan dhulkaas inuu lahaa marxum Cabdulqaadir Aadan Zoobe, iyagoo sidoo kalena sheegay in dhulkaas oo mar hore la isku dayey in la boobo ay dacwad ka dib ay hakisay arintaas dowladii madaxweyne Sheekh Shariif. 

Ugu dambeyntiina iyadoo odayaasha dhaqanka ee Digil iyo Mirifle ay qaylo dhaan ka soo saareen gurgigaan ay sheegeen in laga dhacaayo oo ay dad aan lahayn ay si sharci daro ah ay ku dhisanayaan ayaa waxaa kale oo ay codsi u direen madaxda dowlada inay wax ka qabato arintaas iyo dhibaatadaas ay sheeganayaan odayaashaas Digil iyo Mirifle, Dhibaatada guryaha iyo dhulalka la isku haysto ayaa waxay tahay mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee ka dhashay dagaaladii sukeeye iyadoona ay adag tahay in xal laga gaaro maadaama uu qof waliba sheeganaayo inuu asagu leeyahay ama uu iibsaday. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada