Aqriso:- 70 Jiro aan da’ ka muuqan, maxey cunaan tolow? +Video

Aqriso:- 70 Jiro aan da’ ka muuqan, maxey cunaan tolow? +Video

daajis.com:-Jim Morris iyo Annette Larkins waa 70 jiro laakinse u muuqda iney hada galeen da’dii afartamaad. Jim Morris ayaa jira 78 halka Annette Larkins hada madaxa la gashay 73. Hadaba seebey ku dhacatay ineey da’da ka muuqan labad qof, ‘Black don’t crack’ ma run baa?
Labadan qof ayaa ah dadka loo yaqaano ‘vegan’ oo ah iney cunaan khudaarta iyo miraha oo kaliya ayagoo ka fogaanaya cuntada xayaawanka sida hilibka, caanaha, iyo wax kasta oo xaywaanka dheeftiisa laga sameeyo. Annette oo aad caan u ah ayadoo cuntada ee cunto kala soo baxda beer gurigeeda uga taal, Annette ayaa ku xirneyd cunista khudaarata wax 50 sano kor u dhaafaya, waxeyna intaas ku darsatay ineysan cuntada dabka saarin sey u bisleyso oo ayaga ceerin ah cunto. Morris halka uu khudaar cunista kusoo biiray 25 sano ka hor.being-vegan

Vegetarian ama Vegan

Farqiga u dhaxeeya ayaa ah in qofka vegeterian inuusan cunin hilibka xayawaanka sida geel, ari, iyo malaay(kaluun), halka Vegan uu cuno oo kaliya khudaarta iyo miraha beerta ka imaada oo kaliya kana fogaado cunta kasta oo ku lug leh xaywaanka dheeftiisa haba ugu yaraate xanjada hadey leedahay maado ka imaata xaywaanka. Tan kale ayaa ah in si sahlan aad u noqon kartid Vegetarian halka Vegan waqti iyo dadaal badan u baahantahay.

Halkaan Riix Si'aad u Daawado Video-ga

Maxey faa’idadu tahay?

Hadaanu Somali nahay runti waa nugu adagtahay inaa hilib ka dhex saarno cunto maalmeedkena. Balse is dhinac dhig midka aad dooran laheed, inaad hilibka iska dhaaftid iyo in socdaalkaga xurunta caafimaadka inuu bato! Runti wa wax ka fikir iyo go’aan adag u baahan inaa iska dhaaftid hilib cunow iyo saa uga dhaadhicin laheed qoyskaaga, U fiirso faa’idooyinkan hoos ku xusan:
1. Cafimaadka (Health)
Daraasado caafimaad oo badan ayaa tusaya in dheefta xaywaanka hilibku ha ugu horeeye ay keento halis caafimaad oo ka mid yihin cudurada: cancer, diabetes, rheumatoid arthritis, hypertension, heart disease, iyo kuwo kale oo badan. Saliida iyo borootinada laga helo caanaha lo’da ayaa dadka khudaarta cuna aaminsanyihin iney ka duwanyihin caanaha bani aadamka oo aan loogu tala galin caanahas in la dheefsado.

2. Dhaqaale
Hilibka iska joojisa waxey kuu sahleysa inaad lacag badan ku baaqaato oo aad ku qarashgareyneysay, isla markan isbadal ku arki karta dhaqaalahaga waqti yar gudihiis.

3. Deegaanka (Environment)
Xaywaanka oo la dheefto waxey halis weyn ku leedahay deegaanka, Ururka PETA u dooda xuquuqda xaywaanka ayaa aaminsan in saameeyn xoogan ku leedaha dhaqashada xoolaha si loo dheefsado, ayago kusii daraya in wax tar eysan laheyn in xaywaanka cunto la bido. PETA ayaa ku andaconeysa in xaywaanka oo la dhaqda u baahantahay dhul, biyo, iyo waxyaabo kale taasoo loo adeegsan karo in lagu quudiyo dadka ku gaajoonaya aduunka daafihisa.

Faa’ido daradasu waa maxay?

Daraasad lagu sameeyey Japan ayaa xaqiijineysa in dadka xaywaanka quudan ay la’yihin vitamin B12 oo si dabiici ah looga helo dheefta xoolaha. Vitamin B12 la’aantis waxu qofka bani’ adamka halis u yahay qatar ey ka mid yihin waxyeelo ku timada maskaxda.
Maxey kugu qaadan karta?
Waxey kugu qadan karta adoo hilibka kasoo taga mar kaste oo aad adeeg doontid. Badanka dadka Vegan ah waxey ka bilaaban Vegetarian markas noqdan Vegan.
Dad Caan ku noqday Vegan:
Alicia Silverstone (Actress)
Benjamin Franklin (Scientist and diplomat; inventor of the lightning conductor)
Charlotte Bronte (Author)
George Bernard Shaw (Dramatist, novelist)
Henry Ford (Founder of Ford Motor Company)
Mahatma Gandhi (Politician, pacifist)
Albert Einstein (Scientist)
H.G. Wells (Author)
Tony Benn (UK politician)
Gillian Anderson (Actress)
Greg Chappell (Australian cricketer)
Hans Christian Andersen (Author of fairy tales)
Heather Mills (Ex-model)
Joaquim Phoenix (Actor)
John Wesley (Founder of the Methodist Church)
Kerry McCarthy (UK politician)
Leonardo da Vinci (Italian painter, architect and engineer)
Linda Blair (Actress)
Martin Luther (German church reformer; founder of Protestantism)
Martyn Moxon (English cricketer)
Pamela Anderson (Actress)
Paul McCartney (Musician)
Peter Brogdanovich (Movie director)
Peter Tatchell (Human Rights Activist)
Plato (Greek philosopher)
Plutarch (Greek philosopher and biographer)
Prince (Musician)
Pythagoras (Greek mathematician and philosopher)
Ricky Williams (Professional American football player)
Scott Jurek (Ultra marathon runner)
Sinead O’Connor (Musician)
Sir Isaac Newton (English physicist and mathematician)
St. Frances of Assisi (Italian founder of Franciscan order of friars)
Vincent Van Gogh (Impressionist painter)
Voltaire (French author)

Hadaba Akhriste is weeydi su’aalahan:
Maka maaranta dheefta xoolaha, mase u darsan ama waad ka reysan?
Si sahal ah ma iskaga gooyn karta?

Runti aniga hada ayaan kasoo fara-xashay qado Somali, laakinse qoraal ku saabsan iska soominta dheefta xoolaha ayaa indhaheyga ku batay, Jim Moris yaa maanta wakaaladaha wararka si baahsan u fidiyeen kadib marki PETA xayeysiis ku isticmaashay muuqiisa, markaas ayaan jecleystay inaan idinla qeybsado qoraalkan.
Hoos ka daawo muuqaalka Jim Moris iyo Annette Larkins:Jim-Morris-Vegan-Thinker annette-larkins

Xuquuqda Qoraalka Bogga Arrimaha Bulshada ee Qalanjo.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada