Daawo Sawirada:-Warbaahinta Caalamka oo soo bandhigtay Nin Muslim ah oo si xun loo dilay kadibna la gubay

Daawo Sawirada:-Warbaahinta Caalamka oo soo bandhigtay Nin Muslim ah oo si xun loo dilay kadibna la gubay

daajis.com:-Warbaahinta Caalamka ayaa soo bandhigay Muuqaalo naxtin leh oo laga soo qaaday Wadanka Jahmuuriyada Afrikada Dhaxe ay ka jiraan Rabshado u dhaxeeya Dadka Muslimiinta iyo Krishtaanka Dalkaasi kuwada nool.

Dad Shacab Careesan iyo Ciidamo katirsan Milatariga Dalkaasi ayaa gaari kala dagay nin dhalinyaro Muslim ah ay ku eedeeyeen in uu katirsan yahay Kooxda Seleka oo ah Koox Mulim ah oo dalkaasi ka dagaalanta .

Muuqaalada lasoo bandhigay ayaa muujinaya Ciidamo katirsan Milatariga Afrika Dhaxe iyo dad kale oo careesan oo si xun u dilaya Ninkan Muslimka ah , waxaana la sheegay in Kooxahan ninkan ku dileen garaacis iyo midiyo Markii uu dhintay kadib ay dab qabadsiiyeen jirkiisa.

Falkan naxariis dara ah ayaa maalintii daraad ka dhacay jidkii ay martay Madaxweynaha dalkaasi Catherine Samba Markii ay ka soo noqotay xafladii loogu caleemo saarayay Madaxtinimada Jamhuuriyada Afrikada Dhaxe.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada