DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka waxbarashada Puntland oo kormeeray goobaha waxbarasho ee Galkacyo

DAAWO SAWIRADA:- Wasiirka waxbarashada Puntland oo kormeeray goobaha waxbarasho ee Galkacyo

daajis.com:-Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame iyo Ku xigeenkiisa maxamad cali faarax ayaa Maanta Booqday Qaar kamid ah Goobaha Waxbarasho ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug .

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yusuf Tigey oo Siwayn Gobolka Mudug ugu soo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Puntland iyo Waftigiisa ayaa qayb ka ahaa Wafdigii Maanta Kormeeray Goobaha waxbarasho ee Ku yaala Magaalada Galkacyo .

Goobaha Waxbarasho ee ay Maanta Booqdeen masuuliyiintaasi waxaa Kamid ahaa Dugsiga Sare ee Cumar Samatar,dugsiga hoose dhexe iyo sare Xaaji Cali Biixi iyo dugsiga hoose dhexe ee Salaama .

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa ardayda uu la kulmay kula dar-darmay in ay sii wadaan dadaalka waxbarasho ee ay wadaan .
 
Ardayduna waxa ay ahaayen kuwo udhaga nugul Soo gudbinta Fariimaha Wacyigalin ee Waxbarasho ee uu usoo jeediyay Wasiirka waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame .
 
Gobolka Mudug ayaa waxaa ku yaala 92 Iskuul oo ku baahsan afarta Degmo ee uu ka kooban yahay Gobolkaasi .
 
Waxana Waxkabarta Dhamaan Goobahaasi waxbarasho arday qiyaastii dhan 30,000 waxana ka hawl gala macalimiin gaaraya Tiro ahaan 700 oo Macalin .
 






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada