Ciidamo Ethiopian ah oo dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wada gobolada Bay iyo Bakool

Ciidamo Ethiopian ah oo dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wada gobolada Bay iyo Bakool

daajis.com:-Wararka ka imanaya gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan deegaano ka mid ah labada gobol.

Ciidamada Ethiopia oo dhowaan si rasmi ah ugaga mid noqday ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa waxaa dhaqdhaqaaqyada ay wadaan ay ku wajahan yihiin deegaanada ay ururka Alshabaab ku sugan yihiin ee gobolada Bay iyo Bakool. 

Kolonyo ciidamada Ethiopian ah ayaa lagu arkay deegaano badan oo ka mid ah gobolada Bay iyo Bakool. Waxana ciidamo Ethiopian ah ay gaareen degmooyinka Qansaxdheere iyo Bardaale halkaa oo la sheegayo in ay duulaankooda ay ka qaadayaan. 

Dhaqdhaqaaqa ciidamadan ay ku soo beegmayaan iyadoo shalay ay labada Ra’iisal wasaare ee Soomaaliya iyo Ethiopia ay ku kala saxiixdeen heshiis magaalada Addis Ababa. 

Ururka Alshababa ayaa waxaa ay gacanta ku hayaan deegaao badan oo ka yaal gobolada Bay iyo Bakool sida xarunta gobolka Bakool ee Xudur iyo degmooyinka Waajid iyo Diinsoor oo ah degmooyin muhiim ah oo ku yaal gobolada Bay iyo Bakool.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada