Guddiga Qaramada Midoobay in la Adkeeyo Cunna qabateynta Hubka Soomaaliya

Guddiga Qaramada Midoobay in la Adkeeyo Cunna qabateynta Hubka Soomaaliya

daajis.com:-Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya iyo Eratria ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka in si buuxda loogu soo rogay Soomaaliya cunnoi-qabateynta hubka ee sannadkii hore laga qafiifiyay, kaddib markii dhawaan ay soo shaac baxday in dowladda Somalia ay hub kala duwan ka iibisay Al-shabaab.
Guddiga ayaa soo bandhigay dhowr hab oo lagu xakamayn karo hubka galaya Soomaaliya kuna dhacaya gacmaha qaldan, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in lagu soo rogo cunno-qabateynta hubka Soomaaliya si buuxda ama loo helo nidaamyo iyo tallaabooyin adag oo lagu xakamaynayo laguna soconayo cida uu gacanta u galayo hubkaaas.
Dhawaan ayay ahayd markii guddiga dabagalka cunno-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eratria ay ku eedeeyeen dowladda Xasan Sheekh Maxmuud in hubka ay kasoo gadato dalalka Caalamka ay gacanta u galiso xarakada Al-shabaab, qaarna ku iibiso suuqyada Muqdisho.
Golaha Ammaanka ayaa cunno-qabateynta hubka kusoo rogtay Soomaaliya sannadii 1992-kii si loo joojiyo hubka faraha badan ee galayay Soomaaliya, kuwaasoo gacanta u galayay beelo dagaalamaya.
Lama oga sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga jawaabi doono dalabkan kooxdan uga yimid, iyadoo sidoo kale ay dowladda Soomaaliya beeninayso warbixinta kooxdan ay soo saartay, iyadoo ku tilmaantay in la been abuuray oo aan laga fiirsan.
Maxamed X. Xuseen, 
Source:- Hiiraan

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada