Topnews:-Fawziya Haji Adam oo jago Xildhibaanimo ku iibsatay 300.000$- Ninkeey ka iibsatay oo Somaliland ku wajahan?

Topnews:-Fawziya Haji Adam oo jago Xildhibaanimo ku iibsatay 300.000$- Ninkeey ka iibsatay oo Somaliland ku wajahan?

daajis.com:-Wasiiradii hore ee Arrimaha dibadda Somalia Marwo Fawziya Yusuf Haji Adam ayaa wada hadal dheer kadib ku guuleeysatay inay xilka Xildhibaanimada kala wareegto nin ay isku reer yihiin oo lagu magacaabo Ismaciil Xasan .

Xildhibaan Ismaciil Xasan oo ay deb iyo basiin ahaayeen Fawziya Haji Adam wuxuu xilkiisa Xildhibaanimo ku wareejiyay kadib markii ay siisay lacag dhan {300.000} Sedex boqol kun oo dollar sida ay sida aan kasoo xaqiijaney Waagacusub u xaqiijiyeen qaar ka mida Siyaasiyiintii  ka shaqeeyay isfahamka labada .

Fawziya Haji Adam oo ku hungoowday rajadeey ka qabtay in lagu daro Xukumadii uu magacaabay Ra'isulwasaare Cabdi Wali Yuulka ayaa tolkeeda u sheegtay inay kursiga Xildhibaanimada u dooratay sidii ay xifaaltan siyaasadeed ula geli laheyd Marwo Caasho Xaaji Cilmi oo ay bilahii ugu dambeeyay coloobeen,kana mida Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somalia .

Lama oga Fawziya waxay xilkeeda Xildhibaanimo ku qaadi doonto hasse yeeshee waxay asxaabteeda u sheegtay inay Caasho Xaaji Cilmi la geli doonto dagaal siyaasadeed.

"Wasiirnimadeeydii Caasho Xaaji Cilmi ayaa diiday oo tiri Fawziya laguma soo diri karo golaha Wasiirada ,sidoo kalena Safiirka Kenya ayaan sugaayay in la ii magacaabo,isla kaasna iyadaa diiday sidaas darteed ayaan doortay inaan Xildhibaan noqdo" ayey tiri Fawziya oo la hadashay siyaasiyiin u dhashay beesheeda Isaaq gaar ahaan Habaryoonis.

Xildhibaanka ay jagada ka iibsatay Fawziya oo lagu wada inuu todobaadkaan ku wareejiyo ,waxay isla yihiin beesha Habaryoonis gaar ahaan Isxaaq,Qaasim.

Ismaciil Xasan wuxuu sheegay inuu Hargeysa tegi doono marka uu Xildhibaanimada ku wareejiyo Fawziya Yusuf Haji Adam.

Fawziya waa shaqsi waxqabad badan laakiin fudeed loogu doowgalay,waxayna astaan u noqotay qabyaalad,caro iyo musuqmaasuq galaaftay mustaqbalkeedii siyaasadeed.

Xeeldheerayaashu waxay qiyaaseen inaysan muuqaan jaanis Fawziya dib ugu soo laabato hogaanka sare ee Jamhuuriyadda Somalia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada