FA Cup: Ciyaartii maskaxda waa dhammaatay Pellegrini oo ka tirsaday Mourinho + Sawirro

FA Cup: Ciyaartii maskaxda waa dhammaatay Pellegrini oo ka tirsaday Mourinho + Sawirro

daajis.com:-Kooxda Manchester ayaa caawa guul ka gaartay naadiga Chelsea kulan ka tirsan FA Cup oo ay ku soo dhaweeyeen garoonkooda Etihad Stadium, ciyaar ku dhammaatay 2-0, waxaana Blues laga cirib tiray gabi ahaan koobka FA.

Inta aysan ciyaarta bilaaban ayaa kooxaha Manchester City iyo Chelsea waxa ay daqiiqado u istaageen una aamuseen xiddigii hore ee kooxda Preston North End iyo xulka England Sir Tom Finney oo geeriyooday isagoo 91 jir ah.

Kooxda martida loo ahaa ee Manchester City  ayaa ciyaarta hoggaanka u qabatay daqiiqadii 17-aad ee qeybtii hore waxaana u dhaliyey Stevan Jovetić , kaddib kubbad uu caawiye ka ahaa Džeko oo birta goosha qeybta hoose kaga dhacday kaddibna shabaqa gashay.

Kooxda Man city ayaa u muuqatay mid ku firfircooneed qeybta hore ee ciyaarta inkastoo Chelsea iyana ay weeraro qaaday qeybtii hore haddana waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ciyaarta ku hoggaaminayeen wiilasha Manuel Pellegrini ee City.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii dambe ayaa gool qurux badan waxaa ka dhaliyey Chelsea daqiiqadii 67-aad Samir Nasri oo bedel ku soo galay ciyaarta, markii lagu bedelay xiddigii goolka hore u dhaliyey City ee Jovetić kaddib markii uu shabaqa ku taabtay kubbad uu dhex ka soo qaaday oo uu u dhiibtay David Silva, isaguna bannaanka u soo dhigay ciyaarta ayaana isku rogtay 2-0 oo ay hoggaanka ciyaarta ku xoojiyeen xiddigaha Sky Blue.

Daqiiqadii 75-aad ayaa goolkii saddexaad laga diiday kooxda City kaasoo uu u dhaliyey  Lescott, kaddib markii uu dhameys tiray kubbad koorno ka timid oo uu madaxeeyey Javi García oo uu soo tufay goolhayaha Chelsea Čech, ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-0 oo ay guusha ku qaateen wiilasha Manchester City.

Kooxda Chelsea ayaa qeybihii dambe ee ciyaarta la timid weeraro dhowr ah, kaddib bedel uu sameeyey macallin Jose Mourinho, balse waxba kama bedelin ciyaarta, waxaana laga cirib tiray Chelsea gabi ahaan koobka FA Cup.

Natiijadan ayaa sidoo kale soo afmeertay hadal uu horay u sheegay Mourinho oo ahaa inay uu dheelo ciyaar madaxkaxeed balse waxaa caawa ka tirsaday tababare Pellegrini.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada