Daawo:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay dalka

Daawo:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay dalka

daajis.com:-Diyaarad siday madaxweynaha ayaa saakay kasoo dagtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoona diyaaradaasi ay kasoo qaaday dalka Turkiga oo uu madaxweynuhu ku sugnaa mudooyinkan dambe.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Jawaari, mas’uuliyiin ka tirsan labada gobole ee dowladda iyo dadweyne aad u farabadna, waxaana madaxweynuhu uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka XDS.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa ka waramay booqashadiisii aan rasmiga aheyn ee uu ku tegay dalka Turkiga wuxuuna xusay inuu la kulmay arday Soomaaliyeed oo wax ka barata dalkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa soo hadalqaaday qolooyinka argagaxa gelinaya bulshadda,  isagoo tilmaamay in tallaabo adag laga qaadi doono, wuxuuna dhinaca kale xusay in la joogo xilligii la soo afjari lahaa kooxda argagixisada Shabaab.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray xarunta madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya waxa uu u mid mid ugu qacan qaaday dadweyne aad u farabadana oo ka kala yimid degmooyinka G/Banaadirkuwaasoo iyagu halkaasi u tegay iney arkaan madaxweynaha soona dhaweeyaan.











FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada