Barakac Xoogan Oo Ka Bilowday Degmada Ceelbuur Ee Gobolka Galgaduud ,

Barakac Xoogan Oo Ka Bilowday Degmada Ceelbuur Ee Gobolka Galgaduud ,

daajis.com:-Boqolaal shacabka Degmada Ceelbuur,ee Gobolka Galgaduud,ayaa Maanta bilaabay in ay Magaalada isaga baxaan,kadib markii Kooxda Al shabaab ay u caga jugleeyeen.
 
C/laahi Bigey Xerow, oo ah Horjooge ka tirsan Kooxda Al shabaab, ayaa sheegay in ay ku soo wajahan yihiin Degmada Ciidamada Dowladda, Itoobiya iyo kuwa Ahlu Suna, sidaasi darteedna ay isaga baxayaan Magaalada Ceelbuur.



Sido kale wuxuu Shacabka Ceelbuur ku amray in marka ay isaga baxaan Ceelbuur, ay u raacaan Al shabaab meesha ay u dhaqaaqaan, waxaana uu intaasi u raaciyay in Qofkii ku haraa Magaalada Gudaheeda ay dili doonaan.


Ila lagu kalsoonyahay ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay in Shacabka ay u barakacayaan Deegaanada Bidcul-tuur, Cadanyo, Daafeet, Ceel-siin, Ceel Af-garad, Ceel Qooxle iyo Ceel Dabdheer, ooku yaalla Duleedka Magaalada Ceelbuur, ee Gobolka Galgaduud.


Dadka ayaa sheegay in Deegaanada loo barakacayo ay noloshoodu tahay mid aad u adag, oo Biyo la’aan ah, balse ay ku qasbanyihiin in ay u qaxaan, si ay uga badbaadaan Al shabaab.


Dhanka kale, Maamulka Ahlu Sunna ayaa ugu baaqay Dadka in aysan barakicin, oo ay Guryahooda ku sugnaadaan, haddii ay Al shabaab isaga baxaan Ceelbuur.



Kooxda Al shabaab oo dib u qabsaday Ceelbuur Bishii Maarso ee 2012, kadib markii Ciidamada Ethopia iyo Ahlu Sunna ay isaga baxeen,ayaa ku dhex diley Magaalada Dad ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen Ciidamada ka baxay halkaasi


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada