DAAWO VIDEO:-Ayaan oo wejigeedii la hagaajiyay kadib 11 saac oo qaliin ah

DAAWO VIDEO:-Ayaan oo wejigeedii la hagaajiyay kadib 11 saac oo qaliin ah

daajis.com:-Ayaam Maxamed oo ah gabar Soomaaliyeed oo quruxdeeda ku luntay dagaaladii sokeeye kadib markii xabad kaga dhacday wajiga ayaa ugu danbeyntii loo soo celiyay quruxdeedii iyo sidii ay aheyd 23 sano ka hor.

Ayan ayaa Isbitaalka Wesley ee ku yaal dalka Australia qaliin qaatay 11 saac loogu sameeyay, iyadoo lagu guuleystay in la hagaajiyo wajigeeda, lagana dhigo si caadi ah.

Gabadhani oo 2 sano jirkeeda wejiga xabad ka haleeshay ayaa markii ay soo kortay waxay xeran jirtay indha shareer, iyadoo sheegtay in aysan dadka dhex geli jirin, waayo bey tiri muuqaalka aan lahaa oo dadka ay igu caayi jireen, laakiin hadda bey tiri waan dhex geli karaa dadka anigoo liqaab wadan.

`Aad ayaan u faraxsanahay, waayo waxaa ley soo celiyay quruxdii aan ku dhashay, hadda iskuul waa aadi karaa, dadkana waa dhexgeli karaa`ayey tiri Ayaan oo aad u faraxsan.

Ayaan ayaa in mudo ah sidii qaliin loogu sameyn lahaa soo socotay, iyadoo qaliin lacag la´aan ah ay ka heshay Wesley Hospital ee dalka Australia, balse dhibaato ka martay sidii ay ku heli laheyd dal ku galka, ugu danbeyntii la siiyay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO 



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada