Mas'uul ka tirsan W/arrimaha gudaha oo xaaskiisa Muqdisho ku dishay

Mas'uul ka tirsan W/arrimaha gudaha oo xaaskiisa Muqdisho ku dishay

daajis.com:-Maxamuud Maxamed Sh.Sadiiq oo ka mid ahaa shaqaalaha wasaarada arrimaha gudaha ee dowlada Federalka ayaa mid ka mid ah xaasaskiisa ay ku dishay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho. 

Haweeneyda dishey sarkaalkan ayaa u adeegsatay dilkiisa qori uu lahaa iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambaysay dilka.

Dilka sarkaalkan oo dhacay saaka waaberigii ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu ahaa mid salka ku hayay khilaaf u dhexeeyay marxuumka la dilay iyo xaaskiisa.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkeynley ee uu falkan ka dhacay, hase yeeshee waxaa uu dilkan ka mid noqonayaa dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho iyadoo shalay ay ka dhaceen dilal kala gaar gaar ah.

Horaantii bishii aynu ka soo gudubnay ayaa haweeney ku dishey qori uu lahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada nabadsugida degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Waxaana dilalkan noocan oo kale ah fududeynaya hubka lagu haysto guryaha ay degen yihiin qaar ka mid ah ciidamada dowlada iyo weliba shaqaalaha dowlada. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada