Daawo Video:- Faysal Cali Waraabe "Nin Sheganaya Dowlad Goboleed Sameeyay 46 Wasiir Ma ahan Dowlad ee Waa Dowlad Dagaal+warbixin.

Daawo Video:- Faysal Cali Waraabe "Nin Sheganaya Dowlad Goboleed Sameeyay 46 Wasiir Ma ahan Dowlad ee Waa Dowlad Dagaal+warbixin.

daajis.com:-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Soomaaliland Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa la sheegay inuu digniin culus u direy madaxweynaha Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo uu ku sheegay inay abaabulayaan dagaal ka dhan maamulka Soomaaliland. 


Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Soomaaliland Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu damacsan yahay inuu adeegsado maamulka Puntland inuu kula dagaalamo oo ku burburiya maamulka Soomaliland, Xamar waxay dooneysaa inay rumuut isticmaasho oo ay nagu disho dowlad goboleedka Garoowe ayaa yiri Gudoomiye Faysal Calli Waraabe oo ku eedeeyey madaxweynaha cusub ee maammulka Puntland Cabdiwali Gaas inuu yahay nin dagaal oo walibana dhisay dowlad ku dhisan qaab qabiil. 

Ugu dambeyntiina iyadoo gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu sheegay in dagaal laga soo abaabulaayo magaalada Muqdisho uu ku soo wajahan yahay maamulka Soomaaliland ayaa waxaa kale oo uu ku faanay inay yihiin dad dulqaad badan laakiin markii ay soo jeestaan aysan cidna wax ka qaadin oo lagala kulmo qasaaro asagoona sidoo kale sheegay haddii aan digniintiisaan iyo waanadiisaan aan waxba laga soo qaadin uu asagan u diyaar garoobi doono dagaal oo uu soo xiran doono tuuto. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada