Daawo Sawirada "Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo kuxigeenkiisa oo Boqday dhismayaal burbursan..

Daawo Sawirada "Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo kuxigeenkiisa oo Boqday dhismayaal burbursan..

daajis.com:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa maanta waxa ay booqdeen qeybaha kala duwan ee dhismayaasha burbursan ee ka tirsan Wasaaradda , kuwaasoo kala ah Waaxda Warbaahinta,Machadka daraasaadka diblomaasiyadda iyo Maktabadda .

Dhismayaashaasi burbursan oo qaar ka mid ah ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ka dhistay guryo jiinkado ah ayaa Wasaaraddu ay qorsheyneysaa inay dib u dhis iyo qalabeyn ku sameyso Machadka daraasaadka diblomaasiyadda iyo dhismayaasha kale ee ku lamaansan , si wasaaraddu ay ugu suura-gasho soo saaridda jiil cusub oo diblomaasiyiin ah .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa intii uu kormeerka ku jiray salaamayay qoysaska halkaasi deegaansaday, isagoo balan-qaaday inuu dadaal dheeraad ah ku bixin doono dib u dhisidda machadka,maktabadda iyo dhismayaasha kale ee Wasaaradda , waxa uuna xusay inuu hormuud u noqon doono aas’aasidda naadi ay leeyihiin diblomaasiyiinta Soomaaliya.

Socdaalka Wasiirka iyo Wasiir kuxigeenka ay ku booqanayeen dhismayaasha Machadka diblomaasiyadda iyo kuwa kale ayaa waxaa ku wehlinayay saraakiisha amniga Wasaaradda.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada