Hay’adda u doodda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtey in kufsiga soomaaliya caadi ka yahay...

Hay’adda u doodda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegtey in kufsiga soomaaliya caadi ka yahay...

daajis.com:- Hay’adda u doodda xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay in kufsiga uu “caadi ka yahay” magaalada Muqdisho.
Warbixintan oo 72 bog ka kooban, oo loogu magac daray “Halkan, kufsigu waa iska caadi” ayaa hay’addu waxa ay ugu hadashay xadgudubyada dhanka galmada ee ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo sanadkii 2012-kii.

Hay’adda HRW ayaa warbixinta ku soo bandhigtay sidii lagu joojin lahaa tacaddiyadan ka dhaca Soomaaliya.

Burburkii Soomaaliya

Waxay ugu baaqday dowladda Soomaaliya in ay howlgeliso boolis karti leh oo khibrad arrintaasi u leh oo wax ka qaban karo.
Wasiirka haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka ee Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa BBC-da u sheegtay in tacaddiyadasi laga dhaxlay burburkii uu dalka soo maray labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Dibedbaxyo ka dhan ah kufsiga oo ka dhacay Kenya
Kufsiga ayaa la sheegayaa inuu aad ugu batay dalka Soomaaliya sanadkii ugu dambeeyay, halkaasi oo la sheegaya in dumarka aanay xitaa ka hadlin arrimahaasi sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan in la faquuqo ama la ceebeeyo iyo walibo iyadoo aysan jirin maxkamado ku habboon oo arrintaasi wax ka qaban karo.

Maammulaha Shabeelle Cadimalik Yusuf iyo weriye Maxamad Bashir ayaa la xiray kaddib markii ay wareysteen gabar la kufsaday
Warbixintan ayaa ugu baaqday dowladda soomaaliya in ay qaaddo tallaabooyin muhiim ah oo wax looga qabanayo tacaddiyada dhanka galmada ah ee ka dhanka ah dumarka Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo la sheegayaa in aysan jirin goobo caafimaad oo daryeela dumarka ay soo wajahaan xaaladaha noocaasi ah.
Saddex bilood ka hor waxaa Muqdisho lagu xiray gabar sheegtay in la kufsaday iyo weriye arrintaas ka hadlay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada