daajis.com:-Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa weerarkii Argagaxiso ee maanta ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kaasoo qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu kasoo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa goobo ganacsi iyo kuwo wadada isticmaalayay.
Dawladdu waxay tacsi u direysaa ehelada, iyo qaraabada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxaas iyadoo ilaah caafimaad uga baryaysa kuwii ku dhaawacmay,
”waxaan cadaynaynaa in weerarkaasi uu ahaa mid ay ka dambeeyeen kooxaha nabad-diidka waxaana ku raadjooga laamaha amniga ee dowlada Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow “

Dawladda Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa dadweynaha Soomaaliyeed Wadashaqaynta iyo gacansiinta kala dhaxaysa hay’adaha aminaga, waxaanuna ka codsaneynaa inay sii kordhiyaan,
Ugu danbayn waxaa ka go,an dawladda Soomaaliyeed in ay dalka ka cirib tirto kooxaha nabadda diidan ee caadeystay waxyeelada dadka Soomaaliyeed
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:10 and have
, Published at