Daawo Sawirada:- Eey Cunay gaari Qaali ah oo Qiimihiisa lagu sheegay ilaa 100-Kun oo Dollar

Daawo Sawirada:- Eey Cunay gaari Qaali ah oo Qiimihiisa lagu sheegay ilaa 100-Kun oo Dollar

daajis.com:-Wargeysyada Dalka Ingiriiska ayaa si weyn u faaqiday Eey cunay qeybo kamid ah Gaari qaali ah oo Qiimihiisa lagu sheegay 80 kun oo giniga Ingiriiska ah una dhiganta lacag kabadan 100-kun oo Dollar.

Royston Grimstead oo ah milkiilaha gaariga uu cunay Eeyga ayaa sheegay in uu arkay Eeyga oo kunoolaa Gurigiisa oo afkiisa waxyaabo cad cad ku yaalaan markii uu dib usii fiiriyayna uu arkay gaarigiisa oo eeygu ka cunay qeybta kasareysa taayarka.

Ninkan ayaa tilmaamy xiliga uu dhacdadan la kulmayay ay aheed xili uu shaqo kasoo laabtay waxa uuna tilmaamay in Eeyga oo si xun ilkihiisa ugu gooyay qeybo kamid ah Gaarigiisa qaaliga uuna quruxdii ka qaaday.

'' Markii aan arkay Eeyga qasaaraha uu gaarigeyga u geestay waana yaabay , hadana waan qoslay waayo wax kale oon sameyn karo ayaan jirin '' ayuu yiri Royston Grimstead oo ah milkiilaha Gaariga uu eeygu cunay.

Royston Grimstead ayaa sheegay in uu gabi ahaan iska eryya Eeygii qasaaraha u geestay ee ka cunay Gaarigiisa , waxa uuna tilmaamay in hada gaarigiisa dib loogu hagaajiyay lacag gaareysa Sadax kun oo lacagtta Ingiriiska , waxaana lacagtaasi ay bixisay Shirkada uu ceymiska ugu jiray.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada