Daawo Sawirada:- Faah faahin kasoo baxaysa qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay Muqdisho

Daawo Sawirada:- Faah faahin kasoo baxaysa qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay Muqdisho

daajis.com:-Lix qof ayaa ku dhimatay qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo shacab iyo askar isugu jira.

Dadka dhintay ayaa ku jirtay haweenay makhaayad ku laheyd wadada dhinaceeda, waxaana dadka dhaawaca lagu sheegay ilaa 15 kale, sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka gobolka Banaadir Warsame Joodax oo weriyaasha la hadlay.
Saddex xiddigle ka tirsan booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah, dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmayna ay ahaayeen dhammaantoo dad rayid ah oo goobta ku sugnaa.
"Qaraxu wuxuu ka dhacay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana dadka dhaawacyadu ay soo gaareen ku jiray laba ka mid ah ilaalada hay'adaha Qaramada Midoobay oo la bartilmaameedsaday," ayuu yiri Cap. Maxamed Xuseen oo weerarka ku eedeeyay Al-shabaab.
Weerarkan ayaa loo adeegaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, kaasoo lagu bartilmaameedsaday gaadiid ay la socdeen saraakiil ka tirsan hay'adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Muqdisho.

Sakraalka u hadlay booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan laguna laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyadoo weerarkan mas'uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid ay ku bartilmaameedsanayeen gaadiid ay wateen saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayna ku dileen saddex ka mid ah saraakiishii Al-shabaab ee gaadiidka la socday.
Mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ilaalada hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa waxyeello soo gaartay, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay ay ku dhowdahay saldhigga weyn ee AMISOM ay ku leedahay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.
Maalmihii u danbeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay qaraxyo xiliyadii habeenkii lasoo abaabulo iyo madaafiic lagu bartilmaameedsado xarunta Madaxtooyada.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada