Monitoring Group oo sheegay in hub dowladda u yimid uu gacanta u galay Al-shabaab

Monitoring Group oo sheegay in hub dowladda u yimid uu gacanta u galay Al-shabaab

daajis.com:-Guddiga Q,M u qaabilsan dabagalka cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixin dheer oo ka kooban14 bog,waxana ay eedayn ujeediyeen Madaxda Dowlada .

Kooxda QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya & Erereriya ee UN Monitor group ayaa   QM  ugu baaqay  in ay sii wadaan ama ay xaddaddaan cunaqabataynta hubka Soomaaliya. 

Guddigaan warbixintooda waxay ku xuseen in dawlada Soomaaliya ay dhawaan heshay hub ka kooban rasaas, qoryaha fudud Bambaanooyin iyo qoryaha garbaha la ganno kaasoo ka yimid wadamada Uganda iyo Jabuuti hase ahaatee uusan dawlada u xisaabsanayn .

''Guddigu cadayn dhamaystiran ayay hayaan in diyaaraddo hub sida ay gacanka Khaleejka ka yimaadeen oo ay Muqdisho ka dageen bishii October sanadkii hore ee 2013 taasoo xad gudub ku ah cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran'', ayaa warbixintaan lagu yiri.
 
Xubno aysan guddigu magacyooda sheegin hayeeshe ka tirsan madaxtooyadda Soomaaliya ayay warbixintu sheegtay inay mas’uul ka yihiin is dabamarinta hubka dawladu hesho.
 
Mid ka mid ah ragga la sheegay M/weynaha Soomaaliya ayuu ku heyb yahay waxaana uu mas’uul ka yahay wax is dabamarinta hubka Soomaaliya si gaar ah waxaa loogu eedeeyay inuu hubka dawlada gacanta galiyo hogaamiye ka tirsan Xarakadda Al-Shabab oo la yiraahdo Sh, Yuusuf Ciise Kabo ku tukade.
 
La taliyahaas Xasan Shiikh ku heybta ah waxaa ay guddigu sheegeen inuu magaalada Muqdisho ka aas aasay maleeshiyaad hab beeleed u abaabulan oo amaanka ka shaqeeya.
 
Guddigaan ugu dambeyn waxay talo ahaan usoo jeediyeen in ka hor inta aan la qaadin cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran la hubiyo halka uu maro hubka dawlada Soomaaliya iyo gacanta uu ku dhaco.

Halkaan Ka Akhri Warbixinta oo English Ah.
 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada