17 Jirka Joseph Minala Oo Lagu Eedeeyay Inuu 41 Sanno Jir Yahay Iyo Lazio Oo Ku Hanjabtay Inay Talaabo Sharci Ah Ka Qaadeyso Cidii Sidaas Tiraahda.

17 Jirka Joseph Minala Oo Lagu Eedeeyay Inuu 41 Sanno Jir Yahay Iyo Lazio Oo Ku Hanjabtay Inay Talaabo Sharci Ah Ka Qaadeyso Cidii Sidaas Tiraahda.

daajis.com:-Joseph Minala 17 jirka reer Cameroon ee u ciyaara kooxda Lazio ayaa dhawaan bartamaha kaga jiray duufaan jahwareer dhalisay.

Waxaa su’aal la geliyay da’diisa, ka dib markii la sheegay inuu u sheegay website African ah inuu xaqiiq ahaan 41 sanno jir yahay, taasoo ka dhigeysa inuu mamnuuc ka yahay inuu u ciyaaro kooxda da’ yarta Lazio.
Laakiin haatan Lazio ayaa ku hanjabtay inay talaabo dhanka sharciga ah ka qaadi doonto cidii su’aal gelisa da’diisa.
“Waxaan xaq u leenahay inaan talaabo ka qaadno kuwa ka mas’uulka ah inay magac xumo u soo jiidaan kooxda iyo ciyaaryahanka” ayay Tiri Lazio.
Joseph Minala ayaa sidoo kale warbixin ku baahiyay website-ka Lazio waxa uu ku beeniyay inuu wareysi siiyay website-ka Afrikaanka ah ee Senogo.net
“Waan aqriyay ereyada la sheegay inay kuweeyga yihiin ee la soo dhigay Senego.net, halkaasoo ay ku sheegeen inay qirtay da’deyda saxda oo ah ka duwan tan rasmiga ah ee ii diiwaangashan.
“Waa hadalo been abuur ah oo la igu masbidanayo oo ay iga sameeyeen dad aanan aqoonin.”


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada