Madaxweyne Xasan Sheekh “Dadka warka been abuurka faafiyay waa cadowga Soomaaliyeed, waxayna u shaqeeyaan Al-Shabaab” DHAGEYSO

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dadka warka been abuurka faafiyay waa cadowga Soomaaliyeed, waxayna u shaqeeyaan Al-Shabaab” DHAGEYSO

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhaw la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in booqashada uu ku joogo dalka Turkiga uusan ahayn mid rasmi ah oo ah booqasho uu kula jooga qoyskiisa, isagoo ka hadlay wararka been abuurka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wararka been abuurka ah ee lagu qal qal gelinayay xaaladiisa caafimaad ay ka dambeeyaan dad u shaqeeya maleeshiyada xagjirka ah ee Al-Shabaab, isagoo shacabka ka codsaday in aysan dhag jalaq u siinin qorshayaasha ay maleegayaan dhagar qabayaasha.

“Waa cadow umadda Soomaaliyeed ah dadka warka been abuurka ah faafiyay, shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweynha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu hay’adaha amniga faray inay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan dadkii ka dambeeyay wararka been abuurka ah ee lagu waxyeeleynayay xaaladiisa caafimaad.

Riix halkaan si aad u dhageysato Wareysiga gaarka ah ee uu Madaxweynuhu siiyay Radio Muqdisho,  isaga oo kusugan dalka Turkiga



source:radiomuqdisho FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada